|

Ciidamada B/weyne oo dhaawacay nin amar diido ku sameeyay

dhaawaac2Ciidamada dowladda ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa rasaas huwiyey nin ay ku eedeeyeen in uu ka dhego adeegay amar ay ciidamadu ku siiyeen inuu isa soo dhiibo.

Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada B/weyne Col. Cali Cabdi Mahad-Alle ayaa sheegay in ay ciidamadu toogteen ninkaas oo sida uu tilmaamay saarnaa mid ka mid ah guryaha ku dhow dhow saldhigga Booliska, markaasoo uu isku dayayay inuu ka baxsado ciidanka.

Ciidanka oo ninkaasi gacanta ku soo dhigay ayaa waxay ay dhaawaciisa geeyeen isbitaalka magaalada  B/weyne halkaasoo lagu daweynayo, waxaana la dul dhigay ciidamo ilaaliya si marka uu u soo bogsado su’aalo loo  weydiiyo.

Leave a Reply