Lacag sarifaad leh oo dalka Soomaaliya loo soo wado dhawaan (War rasmi ah)
Sida uu shaaciyay Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan waxaa dhawaan dalka Soomaaliya la geynayaa lacag shillin Soomaali ka baddalan midda haatan laga isticmaalo Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas daabacaaddeedu ay ka socotay in muddo ah magaalada Khartum ee caasimaadda dalka Suudaan, isagoo xusay in daabacaadda lacagta shilinka Soomaaliga ah la billaabay sanadkii hore, ayna haatan mareyso meel gabogabo ah.
Wuxuu wasiirku sheegay inuu booqday warshadda lagu daabacayo lacagtaas, wuxuuna rajo ka muujiyay inay halkaas ka soo bixi karto lacag tayo leh oo aan la been abuuri karin, sida uu yiri.
Waxa kale oo uu intaas raaciyay inay adag tahay sameynta lacag aan la been-abuuri karin, wayna adag tahay buu yiri si lacagahaas loo been abuuro, wuxuuna wasiirku shaaciyay in lacagta cusub ay isugu jirto 1000, 2000, 5000, 10,000, 20,000 iyo 50,000 shillin Soomaali, wuxuuna xusay in baarlamaanka laga ansixin doono isticmaalka lacagtaas cusub, isagoo sheegay in loo baahan yahay diyaarinta qaabkii lagu howlgelin lahaa.
“In lacagtii hore la baddalo, oo tan cusub ay suuqa gasho waxay u baahan tahay in waxyaabo badan loo diyaariyo,” ayuu yiri wasiirka oo tibaaxay in kol dhow lacagahaasi cusub dalka la soo gelin doono, qaabka loo isticmaalayana ay dowladdu dejinayso.
Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid ahaa xubnaha wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee booqday dalka Suudaan, wuxuuna shaaciyay in Soomaaliya ay heshiiska daabacaadda lacagtaas la saxiixatay dowladda Suudaan horraantii sanadkii 2012, iyagana heshiiskaas ay sii xoojiyeen sida uu yiri.
