|

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu guryo noqday Muqdisho

Madaxweyne-Xasan-42Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu guryo noqday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii ay booqasho labo maalmood ah ku tageen dalka Suudaan.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyeen  wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda iyo xubno kale ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, wasiirro, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  garoonka diyaaradaha Muqdisho kula hadlay wariyeyaasha isaga oo faahfaahin ka bixiyay safarkii ay ku tageen dalka Suudaan, waxa uuna tibaaxay in ay ka qeyb galeen munaasibad loogu dabaal dagayey 57-guuradii ka soo wareegatay markii ay dowladda Suudaan xorriyadda qaadatay, isagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan heshiisyo la xiriirra mashaariic horumarineed oo dowladda Suudaan ay la saxiixdeen.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh uu farta ku fiiqay in dowladda Suudaan ay door weyn ku leedahay taageerrada Soomaaliya, isla markaana ay isku soo afgarteen sidii ay u sii xoojin lahayd taakuleynta hay’adaha dowladda iyo meelo kale oo iyana muhiimad leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu tibaaxay  in dowladda Suudaan ay u ballanqaaday tababar siinta ciidammada Booliska, isagoo dhinaca kalena xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan uu la kulmay si aad ahna u soo dhaweeyeen.

Leave a Reply