|

Gabar aan qaangaarin oo ka yaabsatey dadka ku nool magaalada Boorame kadib markii……..

4444Gabar yar oo 13 sano jir oo ku nool magaalada Boorame ayaa waxaa la sheegay inay ka yaabsatey dadka ku nool magaaladaas, islamarkaana ay gabadhaasi noqotey hadal heynta ugu badan ee dadka iyo saxaafada magaaladaas ka dib markii ay gabadhaas ay qortey buug ka kooban boqolaal beej oo ku qoran luqada afka carabiga.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Marwo Xaamud Ibraahim oo 13 sano jir ah ayaa waxay ka yaabsatey aqoonteeda iyo maskaxda wanaagsan ee uu ilaahay ku maneystey dhamaan dadka reer Boorama kadib markii ay gabadhaasi yar soo bandhigtey buug ka kooban ilaa iyo dhowr boqol oo beej kuna qoran afka carabiga arintaas oo yaab ku noqtey dadka ku nool magaaladaas Boorama, Kulan lagu soo bandhigay buugaas ay qortey gabadhaas oo ay ka hadashay gabadhaasi ayaa waxay ku sheegtay inay waligeed ku fakari jirtey inay noqoto qof qoraa sare ah oo dunida oo dhana laga yaqaano arintaasna ay rajeynayso inay mar un ay gaarto.

Gabadhaas ayaa sidoo kale waxay  ka cabatay inay ka welwelsanayd ciddii ka caawin lahayd soo saaridda buugeeda laakiinse bay tiri uu Ilaah u fududeeyay markii dambe, ka soo qeyb galayaashii kulankaas ayaa waxay dadka Soomaaliyeed u soo bandhigeen in laga caawiyo soo saarida iyo daabacaada buugaagta ay qorto mustaqbalka gabadhaas yar oo sida muuqatana aysan da’adeeda iyo wax qabadkeedu aysan is lahayn marka la is barbardhigo.

Leave a Reply