|

Madaxweynayaasha labada Sudan oo ku kulmay Addis Ababa

sudanLabada madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo Selva Kiir Jimcihii ayay soo gaareen magaalada Adis Ababa, waxaa dabadeed gooni gooni ula kulmay dhexdhexaadiyaasha Sudan ee midowga afrika iyo doowlada Ethiopia, waxaa la arkayay hogaamiyaasha Sudan oo la fadhiya RW Ethiopia iyo Tabo Imbeki, madaxweynihii hore ee South Afrika, oo ah dhaxdhaxaadiyaha midowga Afrika ugu qaabilsan labada Sudan, oo wada sheekeeysanaya qoslayana, waxaana wajiyadooda kamuuqday jawi dabacsan.

Waxaana xigay shir socday laba maalin oo ilaa shalay soo gaaray, islamarkaasna fool kafool ay isku horfadhiyeen labada madaxweyne, waxaa wehliyay xubnaha wafdigooda oo ay kamid ahaayeen wasiiradooda gaashaandhiga.

Shirkaan labada maxdaxweyne Addis Ababa ugu soo gaba gaboobay, waxaa looga gol lahaa in lagu dhamaytiro wixii aan kafulin 9-kii heshiis ay horay ukala saxiixdeen labada dal, inkastoo lasoo warinayo in shirka uu dhamaaday hadane wali lagama soo saarin war murtiyeed.

Arimaha ajandaha labada dhinac ugu waaweeyn waxaa kamid ahaa kuwa sii murjinaya xaaladaha labada wadan, sida Saliida koofurta Sudan ee laga dhoofiyo wadanka Sudan oo doowlada Jubba ay joojisay, taasoo dhibaato ku noqotay dhaqalihii labada wadan, waxaa kaloo iyadana jirta muranka dhinaca Soodinta siiba Xadka meelo kamid ah oo lagu heshiiyay markii hore ineey noqdaan goobo milatariga ka caagan iyo iyana in lasyu furo goobaha ganacsiga labada wadan ee Soohdinta ku yaala.

Arinta kale ee Caqabadda noqotay waxay ahayd arinta gobolka “Abyee” oo aad usii kala fogeeysay labada wadan oo jidgooyo ku noqotay sidii horay loogu sii socon lahaa.

Gobolkasi Ciidamada Sudan waxay kabaxeen bishii May ee kalhore, waxaa dabadeed la geeyay Ciidamo kasocda doowlada Ethiopia oo Qaramada midoobay hoostaga.

Hadaba war qoraal ah oo ay wadajir usoo saaren, doowladaha, Mareeykanka, Britain, Norway ayaa waxay kaga hadleen wadahadalada labada Sudan, waxaana ay ku baaqeen in xallagaaro, sidokale waxay ku baaqeen dalalkaan in Ciidamada labada Sudan si deg deg ah looga daadgureeyo Soohdinta labada dal oo ay dhoobanyihiin.

Wadamadaas ayaa waxaa kaloo ay kahadleen dhoofinta Saliida in dib loo soo celiyo oo waxay yiraahdeen: “qiimo weyn ayay labada Sudan ugu fadhidaa dhaqaalahooda in dhoofintii Saliida dib loo soo celiyo iyadoona labada dhinac midna usuan shardi ku xirin”.

Koofurta Sudan waxay ka go’day Sudan inteeda kale olo dal madax banana ay noqotay bishii Julay 2011 sidii lagu gaaray heshiisyadii lagu joojinayay dagaaladii sokeeye ee labada Sudan u dhaxeeyay 1983-2005.

Leave a Reply