|

Ra’isul wasaaraha Ingiriiska oo shaaciyey waqtiga la qabanayo shirka Soomaalida ee London iyo waxyaabaha looga hadlayo

david-cameronRa’isul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa shalay sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya isku waafaqeen waqtiga la qabanayo shirka Soomaaliya looga hadlaayo ee ka dhacaya magaalada London horaanta sanadkan, kaas oo diiradda lagu saarayo intiisa badan siiwadida wadahadaladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo qodobo kale oo ay kamid tahay dib udhiska dalka Soomaaliya.

 Ra’isul wasaaraha Ingiriiska ayaa barta uu ku leeyhaya Twitter-ka ku qorey in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay isla garteen in ay wada martigeliyaan shir caalami ah kaas oo London ka dhacaya 7-da May ee sanadkan 2013-ka, wuxuuna Ra,isul wasaaruhu xusay in shirkaasi yahay mid dabajooga shirkii hore ee lagu qabtey magaalada London bishii Feberaayo  ee sanadkii hore ee 2012-kii kaas oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu guuleystay sida uu yiri.

Shirkan ayaa la sheegay in  diiradda lagu saari doonaa dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo waxa ka qabsoomay shirkii hore ee London kaas oo lagu tilmaamey in u ahaa mid wax weyn ka beddalay xaaladda Soomaaliya sida uu yiri.

Dalka Ingiriiska ayaa ah sanadkan 2013-ka Guddoomiyaha dalalka dhanka warshadaha ku horumarey ee loo yaqaan G8, dhammaan dalalkaas ayaa ka soo qaybgalaya shirka iyo kuwo kale oo badan waxaana qorshaha ugu  weyni uu  yahay in Soomaaliya loo sameeyo sanduuq dib loogu dhiso,  taageerada ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya  iyo dhismaha laamaha amniga ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in shirka London bisha May 2013-ka uu ka duwanaan doono kii hore maadaama Soomaaliya ay hadda ka jirto dowlad rasmi ah, taas oo heshiisyo caalami ah geli karta, inkastoo xaaladda nabadgelyo iyo khatarihii jiray ay weli intooda badan taagan yihiin.

Leave a Reply