|

Askar Faransiis ah oo lagu dilay, laguna qabsaday dagaal ka dhacay magaalada Buula-mareer ee gobolka Sh/hoose

16Wararka ka imaanaya magaalada Buula-mareer ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal xalay halkaasi ka dhacay oo dhexmaray ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa lagu dilay labo ka mid ah askarta Faransiiska, waxaana sidoo kale lagu qabsaday dagaalkaasi labo askari oo kale.

Sida warku sheegayo dagaalka oo socday muddo ku dhow nus-saac ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay Guddoomiyihii Al-shabaab ee xukumayey Buula-mareer iyo 3-askari oo kale oo ka tirsan Al-shabaa, sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay dad shacab ah oo la sheegay inay gaarayaan 5-ruux.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa ciidamada Al-shabaab ayaa dilay sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay heysteen ee la sheegay in ciidamada la dilay iyo kuwa la qafaashay ay baadi goobayeen, saraakiisha Al-shabaab oo la hadlay dadweynaha Buula-mareer ayaa sheegay inay u soo bandhigi doonaan meydadka iyo askarta ay maxaabiis ahaanta u qabsadeen ee u dhashay dalka Faransiiska, kuwaas oo ay ku qabteen dagaalkii xalay.

Leave a Reply