|

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo markii labaad ka badbaaday isku day dil iyo qarax kale oo lagu weeraray…

xioMagaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka dhacay laba qarax oo mid ka mid ha lagu weeraray gaari uu watay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaraxaas laba ka mid ah ilaaladii xildhibaanka, halka isagana uu soo gaaray dhaawac aan sidaasi u weynayn.

 Qaraxa lagu weeraray gaariga Xildhibaanka ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir, waxaana qaraxa kale  oo aan la garanayn khasaaraha ka dhashay uu isaguna ka dhacay xaafadda warshadda caanaha ee degmada Hodan.

“Gaari uu watay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-xuubeey, wuxuuna ahaa miino dhulka lagu aasay. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa la sheegay in dhaawacyo firiro ah ay soo gaareen, wuxuuna sheegay in labo ka mid ah ilaaladiisa uu soo gaaray dhaawac, isagoo xusay in mid ka mid ah uu si aad ah u daranyahay.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanu uusan waxba ka soo gaarin xildhibaanku, balse labo ka mid ah ilaaladiisu ay ku dhaawacmeen qaraxa, isagoo sidoo kale sheegay in qarixii ka dhacay warshada caanaha aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay balse ay ciidammo booliis ah u direen si ay u soo hubiyaan waxyeellada uu geystay.

Warar ka madax banaan afhayeenka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tiradooda inta ay la’egtahay, waxaana qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ka dib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxayna ciidamadu qabqabteen ku dhawaad 10-ruux oo looga shakiyey inay ka dambeeyeen qaraxa lagu weeraray ciidamada.

Leave a Reply