|

Puntland oo sheegtay inaysan Soomaaliya matalin Guddiga Olombikada ee dhawaan Muqdisho lagaga dhawaaqay

12Maamulka  Puntland ayaa sheegay inaysan matelin  Soomaaliya Guddiga Olombikada ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxayna ku sababeyeen iyadoo aan Puntland lagala tahsan,isla markaana aysan jirin cid lagaga daray xubaha ay shegeen inay qabsadeen doorasho 3-janayo 2013-ka.

 Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland C/weli Xirsi Cabdulle (Indho guran) oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay inay xubnaha Guddiga Olombikadu ay yihiin dhowr iyo toban dhamaantoodna ay ka soo jeedaan hal gobol, taas oo muujineysa iska indha tir gobollada kele dalka waa sida uu hadalka u yiriye.

“Waa nasiib daro arrintani Muqdisho ka dhacday, Soomalida iyo caalamku way ogyihiin dowrka aan Soomaaliya ku leenahay, Puntland ayaa lagu qabtay ciyaarihii gobolada oo labaatan sano ka badan aan la qaban, anagoo awalba ka xun qaabka ay wax u mareeyaan Guddiga Olombikadu ayey haddana tani timid” ayuu Yiri C/weli.

Guddiyada kala duwan Olombikada, cayaaraha cufudu iyo tan cagta ee Puntland ayuu wasiirku uu ku booriyey inay sii wataan howlaha ay ku horumarinyaan cayaaraha Puntland, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay qaadaceen ciyaaraha Muqdisho lagu qabto ee lagu sheego in Soomaaliya lagu metelayo, madaama buu yiri aysan jirin ciyaartoy ka tagta gobollada kele ee dalka,wuxuuna sheegay in tartamada ay dibada u adaan ciyaryahnada aysan ku jirin cayaartoy reer Puntland, isagoo xusay in hal cayaryahan oo qur ah hal mar la kaxeeyay oo uu ciyaar ka qeybgalay, wax kalena aysan jirin.

Ugu dambayntii wasiirka cayaaraha Puntland waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda  Soomaaliya inay wax ka qabato musuqmaasuqa ka jira Guddiga Olombikada, isla markaana ay arrimaha ku aadan cayaaraha & waxyaabaha lagu horumarinyo ay noqdaan kuwo cadaalada oo loo siman yahay.

Leave a Reply