|

Ex. Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, una ambabaxay dalka Mareykanka iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

sharif-shirjaraid_4Wararka naga soo gaaraya magaalada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu shalay gaaray gudaha dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku diyaarin doono sida la sheegay darajada Master-ka, ka dib markii uu casuumaad ka helay Jaamacadda magaalada Boston ee dalka Mareykanka sida ay sheegeen warar safarkiisa la xiriira.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Shariif ayaa casharo ka bixin doona Jaamacadda Boston ee gobolka Massachusetts, waxayna Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay sheegayaan in casharada uu ka jeedin doono ay ka mid tahay mudadii uu siyaasada ku jiray Maxkamadihii Islaamiga illaa markii uu Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay sanadkii 2009-kii.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa shalay garoonka diyaaradaha Kampala ku sii sagootiyey wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin xaaji Maxamuud Fiqi oo booqasho ku jooga dalka Yudgandha iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Yuganda iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Waxaa la sheegay inuu noqonayo Madaxweynaha afaraad ee lagu casuumo Jaamacadda Boston, kuwaasoo ah Madaxweynayaal hore oo si dimuqraadi xilkooda u wareejiyay, ka dib doorasho looga guuleystay, ka dibna Jaamacaddu qiimeyn ay sameysay sidaasi ku dalbatay.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Yugandha ka helay degenaansho rasmi ah, iyadoo deegaan ka siisay magaalada Kampala, ka dib markii uu ka guuray magaalada Muqdisho bishii November ee sanadkii hore uuna u guuray  magaalada Kampala ee xarunta dalka Yugandha.

Si kasta oo ay ahaataba Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bishii September looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo uu noqday Madaxweynihii ugu dambeeyay ee dowladihii KMG ahaa ee isaga kala dambeeyay Soomaaliya.

Leave a Reply