|

Maamulka Somaliland oo mar kale shuruud ku xiray wadahalka ay la galayaan dowladda Soomaaliya, kana biyo diiday in…

WaaWasiirka arrimaha dibadda maamulka la baxay Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu dalka Ingiriiska ku dhexmaro wafuud ka kala socota dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa iyo kulamo uu magaalada London kula yeeshay madax ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in shirka London ka dhici-doonaa uusan aheyn mid iyaga si gaar ah u khuseeya, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi haddii ay tagaanna ay talo un ka dhiiband oonaan, balse aysan iyagu wax saameyn ah ku yeelan doonin.

 Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in mudadii uu dalka Ingiriiska socdaalka ku joogay uu kulan la yeeshay wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmonds uuna kala hadlay sida uu sheegay sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada horumarka, siyaasadda iyo nabadgelyada.

Maxamed C/laahi Cumar waxaa kale oo uu sheegay inuu Mr. Mark Simmonds uu warbixin ka siiyey doorashooyinkii dowladaha hoose ee dabayaaqadii bishii November ee kal hore ka qabsoontay deegaanada Somaliland, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Ingiriisku ay dhawaan deeq dhaqaale siisay Somaliland taas oo uu ku sifeeyay tii u horeysay ee nooceeda ah ee la siiyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyey xilliga ay filayaan inay dib u bilaabmaan wadahadaladii u socday maamulkiisa iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inaan weli meel la isla dhigin goobta lagu wada hadlayo iyo wakhtiga uu bilaabmi-doono wada hadalku, iyadoo ay taas diyaarinteeda laga rabo ayuu yiri Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xusay in dowladda Ingiriisku ay taageersantahay in dib loo bilaabo wadahadalada labada geesoodka ah.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka hadlay in haddii ergada ka imaan doonta dhinaca dowladda Soomaaliya ay ka mid noqdaan shakhsiyaad ka soo jeeda Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland hore u cadeysay mowqifkeeda ku wajahan qaabka wadahadalka isagoo yiri “Shaqsiyaad dhalasho ahaan ama dhaqan ahaan ka soo jeeda Somaliland horey ayey Somaliland uga hadashay inaysan ogoleyn inay ka soo jeestaan dhinaca kale ee wadahadalka, taasina ma ah mid aanu qarinayo, horeyna waan u sheegnay haddana waan sheegaynaa, wadahalka kama soo qeybgeli karaan dad Somaliland u dhashay oo ka socda dhinaca dowladda Soomaaliya”.

Leave a Reply