Safarkiisii ugu horreeyayoo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku gaaray dalka Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ku gaaray dalka Maraykanka.
Waxaa safarkaan Madaxweynaha ku wehliya Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibadda Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Lataliyayaasha Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee dowladda Maraykanka oo uu warbixino ka siin doono xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya,sidoob kale wuxuu kulamaadaas madaxweynuhu uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay oo safar ka baxsan gobolka geeska Afrika uu madaxweynaha Soomaaliya u ambabaxo kuna tago dalka Mareykanka, wuxuuna dowladda Maraykanka si weyn ugala hadli doonaa taageeridda dhinaca amniga iyo horumarka dalka Soomaaliya. Sidoo kalena wuxuu madaxweynuhu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.
