|

Hanjabaadyo iyo Xarig lagu hayo Saxaafada Madaxa Banaan (Warbixin).

Kaartoonkii-Amiin-Caamir-uu-ka-Sameeyey-Gudoomiyha-Maxakamada-SareIyadoo weli uu Xiran yahay Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur (Koranto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN ka dib markii Waaxda Dambi Baarista ee CID ay ku soo eedeysey War ay sheegeen in uu faafiyey kaasoo ku saabsanaa Kufsi loo geystey Gabar ka mid ah dadka Barkacayaasha hase yeeshee Cabdicasiis Koronta waxaa uu sheegey in uusan warkaasi siideeyn,iyadoo Bahda Saxaafada ay ka Murugeysan tahay Xarigaas ayaa waxaa Maalintii Sabtida ahayd Xafiisyada Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon la soo gaarsiiyey Warqad ka timid Xeer Ilaaliya Guud  taasoo loogu yeeraya Tafaftirayaasha Wargeysyadaas in ay Maalinta Isniinta ee ay bishu tahay 14 ay hor yimaadaan Maxkamada Sare .

Qoraalkaan yeeritaanka ah  oo si toos ugu socdeen Tafafatirayaasha Wargeysyadaas ayaa waxaa la filayaa in wax laga weydiiyo Kaartoon uu Amiin Caamir ka sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Cabdulaahi Ilko Xanaf , Kaartoonkaas oo ay faafiyeen Labadaas Wargeys Taariikda Markey ahayd 7/1/2012 oo ah Laba Wargeys oo maalin weliba ka soo baxa Magaalada Muqdisho hadaba si aan waxa uga Ogaano u yeeritaankaas  uu u yeerey Xeer Ilaaliyaga Guud  labadaas Wargeys  ayaa waxa noo suurta gashey in aan wareysano labada  Xubnood oo ka tirsan labadaas Wargeys.

Maxamed Axmed Siyaad oo ku magac dheer ( Black) oo ah Madaxa Wargeyska Xog-doon iyo Ismaaciil Cumar Madoobe oo Tafaftire ku Xigeen ka ah Wargeyska Xog- Ogaal ayaa waxaa wax ka weydiinery Cida Warqada u yeeritaanka u keentey waxayna ku Jawaabeen “Waxaa Warqada ka soo baxdey Xafiiska Xeeri Ilaaliyaha Qaranka waxaana ku qornaa  in maalinta Beri marka oo ay bisha tahay 14-ka Janaayo oo maanta ku beegan Saacada markey tahay 4-ta Subxnimo aad hortimaadaan Maxkamada Sare si wax la idiin ka weydiiyo War ku soo baxay labada wargeys waxaana si gaar ah loogu yeerey labada Tafaftire “.

Waxaa weydiiyey maxay ahaayeen Warka ku Qornaa labadaas Wargeys waxayna ku Jawaabeen” Maalntii Doraad ahayd ayaa waxaa labada Wargeys ku soo baxay Kaartoon uu lahaa Amin Caamir oo  ku saabsanaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Ilko Xanaf ,”Waxaan sii weydiiyey sidee ayuu yahay Dareenkiina maadaama Tafaftirayaashiina Maxkamada looga yeerey waxayna yiraahdeen” Dareenkeena waa iska Caadi waayo waxaan soo marey Xaalado kuwaan ka daran marka marka Tafafirayaasheena ayaa laga doonayaa sidii ay isku Difaaci lahaayeen “

Waxaan weydiiyey Labadaas Xubnood ee ka tirsnaa Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon Su’aal ahayd Sow Gef idiinkuma aha in aad baahisaan Kaartoon Qof Shaqsi ah lagu Aflagaadeynayo waxayna ku Jawaabeen “ Waligeyn Kaartoonka Amin Caamir Wargeysyada  waa qaadan jirneen inagoo ilaalineyna Xaquuqda Warka ama Kaartoonka ( Copy Rights) Kaaroonkana waxaa ku saxiixan Amin Caamir marka anaga  isaga ayaa soo xiganey , Kaartoonkaan kuwa ka daran Baan Amiin Camir ka qaadanay u  yeeritaankaan waa kuwa Ujeedo gaar ha laga leeyahay oo wax badan lagu Qarinayo”

Marka la Isbarbardhigo  Dhinaca Macaamilka Saxaafadda  yaa wanaagsanaa Dowladii Shiikh Shariif iyo Dowlada Xasan Shiikh Maxamuud waxayna ku jawaabeen”  iskuma Dhawa oo waxaa Wanaagsanaa Dowladii Shiikh Shariif oo Macaamilkeeda dhinaca Saxaafada uu wanaagsanaa waayo Dhinaca waxaa kaa Handaya Booliska , Dhinac Maxakamadaha,Dhinacna Xafiisyada Warfaafinta Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha Dhinacna Nabadsugida  marka waxyaabo aan arki jirin baa hadda aragnaa, waxaana  hadda Dowlada u Xiran Wariye CabdiCasiis Maxamed Nuur (Koronto) Dastuurka waxa uu dhigayaa in Ruux aan la hayn Karin Muddo 24 Saac marka waa xadgudub aad u weyn,haddii Dowlada na Tiraah ma Daabici  Kartaan Kaartoonka Amiin Caamir  oo aan Daabacno Anaga ayaa Qaladka iska leh  “ waxay Intaa sii raaciyeen

“Madaxweyne Xasan Shiikh Maalmo markey ka harsan tahay Doorashadiisa wax yar  waxaa uu Xarunta Xisbiga Nabada  iyo Horumarka uu kulan kula qaatey Bahda Saxaafada Qaybaheeda kale Duwan  Amiinow adiga Goobjoog baad u ahayd kulankaasi waxaa uu Xasan Shiikh uu balan  isaga oo uu garab fadhiyo Faarax Cabduqaadi oo haatan ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada in uu si wanaagsan ula dhaqmi doono Saxaafada islamarkaana uu raadin doono Xaquuqaha ka maqan ma garan karo Isbedelka uu la yimid Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dowladiisa aniga laba mid uun bay tahay in Xasan uu ka warqabo Xadgudubyada loo geysnayo Saxaafada ama  in uusan ka warqabin ee ay arrintaan iska wataan dadka isaga ka hooseeye marka waxaan leeyahay Madaxweynah in uu ka dhabaayo Balanqaadyadii uu ku soo galey Doorashada “

Afartii Bilood ee ka soo wareegtey Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh 10-kii September waxaa la diley Dhowr Wariye waxa la dhaawacay in  Intaas ka badan waxaa la xirey laba Wariye oo mid uu ahaa Wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo u shaqeynayey BBC-da  midna  uu Haatan u Xiran yahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdi Nuur ( Koronto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN waxaana Mudadaas Wariyayaasha u sii dheer Hanjabaadyo aad u tira badan oo dhinaca Taleefoonada hadaba  lama oga waxa iyana  Muteysan doonaan  kuwa Maanta uu u  yeerey Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka  ee Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon.

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Leave a Reply