|

Tartan ciyaareed ay ka qeyb qaadanayaan ciyaaryahanno Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda(SAWIRRO)

cayaar4Tartan ciyaareed loogu magac daray Accord Cup 2013 oo ay ka qeyb qaadanayaan ciyaaryahanno Soomaaliyeed ayaa shalay galab ka furmay Garoon weyn oo ku yaala xaafadda Kisenyi ee caasimadda dalka Uganda.

Tartankaas oo uu soo abaabulay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Accordoo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee  magaalada Kampala dalka Uganda ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 8 kooxood oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ku kala cayaaraya magacyada kala ah Maashaa-Allaah, City Star, Goobe G, Elman FC, Hiiraan FC, Daalo FC, Gaalkacyo FC iyo Dabka FC.

Waxaa tartanka bilowgiisii lagu furay labada Kooxood ee kala ah Maashaa-Allaah iyo City Star, waxaana qeybtii koowaad ee ciyaarta ay ku dhammaatay bar-bar dhac 1-1 iyadoo goolkii koowaad ay ku hormareen kooxda City Star.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta oo ay socotay qaddar daqiiqado ah ayaa waxaa gool kale helay kooxda City Star, balse ciyaarta ayaa iyadoo aan dhammaan waxa ay isku bedeshay mid fowdo iyo buuq ah kadib markii garsoorihii ciyaarta uu calaamadda gaduudka ah siiyay ilaa saddex ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Maashaa-Allaah, ayna ku doodeen in si qalad ah uu Garsooruhu ku bixiyey calaamadahaas, taasoo ka careysiisay kooxda Maashaa-Allaah, kadibna waxa ay dagaal  iyo fuuq ku sameeyeen Garsooraha oo gacan loola tegay,  taasoo sababtay in ciyaartu sii socon weyso, waxayna ku dhammaatay ciyaartii 2-1 oo ay ku badiyeen kooxda City Star.

Guddiga qabanqaabada tartankaas oo kala ah Bashiir Diiriye Naaleeye, Liibaan Bataati iyo Cali Saciid ayaa iyagu sheegay in qaladaadkii garoonka ka dhacay la xalinayo, isla markaana tartan ciyaareedku uu sii soconayo, ciddii qaladaad gashayna guddigu go’aan ka gaari doono.

Maxamuud Accord oo ah ganacsadaha soo qabanqaabiyey isla markaana maalgeliyey Tartankan ayaa wuxuu sheegay in tartanka loogu talo galay isdhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed eek u nool dalka Uganda, ka hortaga mukhaadaraadka iyo waxyaabaha xunxun ee ay dhalinyaradu ku mashquulaan  wuxuuna sheegay in uu socon doono tartanka ilaa 4-ta bisha Febraayo ee sanadkan, kooxaha kaalinta koowaad galana la siin doonaa abalaamarino ay ku farxaan oo loo diyaariyay.

 

Leave a Reply