|

FANKA SOOMAALIYEED OO SII QIIMA DHACAY (Xog rasmi ah)

FankaFanku waa mid fac weyn oo la soo barbaaray dhaqanka iyo luuqadda Soomaaliyeed, wuxuuna fanku u kala baxaa Tix iyo Tiraab, gabayga ayaana ah midka ugu faca wayn ee lagu xasuusan karo taariikhda Suugaanta Soomaalida, waxa ayna gabayadu Soomaalidu u isticmaali jirtay qaab war-isu-gudbin, si dhacdo dhacday ay dadku ugu weriyaan ama taariikh ahaan dhacdadaas loo xafido, sidoo kale waxay gabayadu dadku ku gudbin jireen dareen markaasi taagan oo jira.

Qeybaha kala duwan ee Suugaanta oo Gabaygu uu qeyb ka yahay ayaa waxa ay Soomaalidu u adeegsataa raad-raac, sida in lagu higsado halgankii halgamayaasha Soomaaliyeed iyo dhacdooyinka kale ee taariikhiga ah, kuwaasoo sida la ogsoon yahay la iska halmaami lahaa haddii aysan jiri lahayn suugaan xafidan oo dhacdadaas ka tarjumeysa oo ay dadku xigasho ama marqaati ahaanba dib isugu gudbiyaan si jiilba jiilka xiga taariikhdaas loogu keydiyo.

Suugaanta Soomaalidu waxa ay waayadii hore u badnayd gabayada, waxaana ku soo xigay in suugaanta loo sameeyo qaab leh jaan iyo luuq ka duwan tii gabayada, sida ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo iyaguna qaab ereyo suugaaneed la isugu tebin jiray, laguna sii macaanayn jiray sacab ama durbaan ritmo looga dhigayay si uu jaan iyo luuqba u yeesho.

Waxaa cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ku xigay heeso watay muusig la garaaco, kuwaasoo xagga jaanta u dhowaa ciyaarta loo yaqaano dhaantada oo sacabkii iyo jugtii cagta uun lagu beddelay dhawaaq muusig oo ereyada heesta laga dheehan karo, dhadhan  macaan lehna u yeelaysa heesta.

Inta badan heesaha sida heellooyinka loogu jiibiyo waxaa muusigeeda laga soo tixraacay ciyaarta dhaantada, wuxuuna muusigii hore ka soo bilowday ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo la casriyeeyay si maqalkooda loo macaaneeyo ayaana qalab muusig lagu laray.

Markaa sida muuqata heesaha waxaa qiimo u yeela oo sii qurxiya muusikada oo macaan iyo dhadhan u sameeya, waxaana muusikada loo geli jiray iskuulo iyo waxbarasho aqoon kororsi oo dalal dibadda ah loogu aadi jiray, rag gaar ah ayaana loo carbin jiray garaacista qalabka kala duwan ee muusikada, waxayna wada shaqeyni ka dhexeysay guud ahaan fannaaniinta oo isugu jiray hal-abuuro, laxamiistayaal, muusikiistayaal, heesayaal, jilayaal, majaajilistayaal, ciyaartoy, iyadoo daawayadaashuna ay aad u xiiseyn jireen heesahaas lagu laray muusikada leh riitmada macaan ee la arkayo marka fannaanku heesta ku luuqeynayo, iyadoo waxaasoo dhan haatan la waayay, kaliyana la arkayo fannaan ka soo muuqanaya masraxa isagoo aanay la socon qeybihii kale ee fanku ka koobnaa gaar ahaan muusikiistayaashii heesaha ay ku luuqeynayaan muuskikada macaan ugu larayay.

Xilliyadii hore waxaa ceeb iyo fadeexo  ahayd in dumarka Soomaaliyeed fanka ku soo biiraan, waayadii horena ma jiri jirin gabdho heesa ama jilayaal ka noqda riwaayadihii la jilayay, waxaana gabadhii hees qaadda ama ruwaayad wax ka jishaa ay ceeb iyo fadeexo ku ahayd nafsaddeeda, asxaabteeda iyo weliba waalidkeed, waxaana loo arkayay inay fadaro iyo fool xumo dhex gashay, waalidkeedna ay u soo jiidday ceeb iyo karaamo-beel, iyadoo taas bedelkeeda ay jiri jireen rag cod haween ku matalayay ruwaayadaha oo booskii jilaanimo ee qof dumar ah looga baahdo nin rag ah uu buuxin jiray.

Balse taas bedelkeeda waxaa xilliyadan dambe fankii buux dhaafiyey dumar fara badan oo midba midda kale kula baratamayso qurux qaawanaan ku laran iyo isticmaalka daraagiska qeybihiisa kala duwan, kuwaasoo iska dhaafe fadeexad iyo ceeb ay nafsaddooda iyo waalidkood u soo jiidaane kaba tegay dhaqankii suubanaa ee Soomaalida iyo ku dhaqankii shareecada Islaamka. 

Waxyaabaha kale ee beri-samaadkii ceebta iyo fadeexada ahaa haatanna wax iska bannaan oo la caadaystay noqotay in fannaan hees uusan lahayn ku luuqeeyo, iyadoo fannaankii isku daya inuu ku luuqeeyo hees uusan lahayn uu kala kuli jiray fadeexad, dagaal iyo weliba in dacwado lagu soo oogo.

Laakiin jilayaasha Ruwaayadaha Banaadiriga si ay raali isaga yihiin ayay arrintaas bedelkeeda u samayn jireen oo Fannaan ayaa inta uu godka hoose ee masraxa ka soo qaado hees fannaan kale oo masraxa ka soo muuqda ku jilayay heestii isaga oo iska dhigaya inuu heestaas isaga ku luuqeynayo, qaab ciyaareed jir nuuxnuuxis iyo af kala qaadis been ahna samaynayay, taasoo loo malaynayo inuu isagu heesta qaadayo, balse waxay ahayd qaab jiliin ay raali isaga ahaayeen fanaaniinta Banaadiriga.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka ee 21-kii sano waxaa lumay wanaagii, qiimihii iyo quruxdii lagu yaqaanay fanka Soomaaliyeed, waxaana la waayay curintii, aruuriskii iyo muusikadii uu fanku lahaa, waxaana sidoo kale yaraaday abwaaniintii iyo muusikiistayaashii oo waxaa bedelkooda la helay muusik hal nooc ah oo uu hal qof garaacayo iyo abwaan aan xirfad buuxda lahayn oo heeso miro jacbur u badan sameynaya iyo sidoo kale ereyo isu eg-eg oo laxanka uun lagu kala duway.

Burburkii dalka ka dhacay sidoo kale waxa uu saameeyay fanaaniintii hore ee Soomaaliyeed, taasina waxay sababtay inay soo ifbaxaan fanaaniin cusub oo masraxa isla soo taagay heeso aysan lahayn oo ah heesihii hore, iyagoo weliba qaarkood mirihii heesahaas si qalad ah ugu jiibinaya, bedelayna quruxdii laxameed ee ay lahayd, inkastoo mararka qaarkood la dhihi karo fanaaniinta cusubi dan ayaa u geysay inay ku luuqeeyaan  heeso aysan lahayn oo waxaa la waayay abwaaniintii hore oo heeso cusub u samayn lahaa, haddana marna kama marna ceeb maadaama ay xatooyo heeso sameeyaan, iyagoo weliba qaarkood sheegtay inay iyagu heesahaas leeyihiin, balse ay fadeexad ku timid kadib markii laga daba keenay caddeymo maqal iyo muuqaal ah, taasoo beeneysay sheegashadii ay sheegteen heesahaas.

Fanku heerar kala duwan ayuu soo maray, heerka uu maanta taagan yahayna run ahaantii waa heerkii uu ugu liitay fanka oo waxaa la oran karaa Fanka waxaa ku yimid qiima dhac iyo sharaf dil weyn.

Fannaaniinta maanta jirtaahi waxa ay ka tageen anshixii suubanaa iyo wanaagii, waxayna bilaabeen in ay heeso isku aflagaadeeyaan,  iska baahiyaan warar xunxun oo mid waliba midka kale ayuu si xan ah wax uga sheegayaa, fannaaniin badan ayaan is jeclayn, kuwa hablaha ahina cawradooda ayayba bannaanka soo dhigeen oo waxay ka tageen Diinta Islaamka iyo dhaqankii suubanaa ee Soomaaliyeed, fanaaniin badan ayaan salaadda tukan, oo aan soomin, isticmaala waxyaabaha diintu ka reebtay welibana ku faana isticmaalka balwadaha kala duwan sida cabista khamriga, dhuuqista xashiishada iyo sidoo kale adeegsiga macsida qeybaheeda kala duwan.

Wax waliba wax baa ka sii darane qiima dhaca Fanku wuxuu soo ifbaxay sanadihii ugu dambeeyay oo fanku wuxuu noqday Cajalad CD ah oo boorsooyinka iyo jeebabka lagu sito. Fannaan kasta oo heesaa ah ha ahaado rag ama dumar wuxuu jeebka ama boorsada ku sitaa cajalado ay heesihiisa ku duuban yihiin ha ahaadaan heeso uu isagu leeyahay iyo kuwo bililiqo ahba, waxaadna maqlaysaa hobol hebel ama hobolad heblaaya ayaa caawa ka heesaysa meel hebla waxaa lagu gelayaa qiimo intaas iyo intaas gaaraya, fannaanku waa mid qura, mala socdaan fannaaniin kale, ma uu wato muusikistayaal, cajalado ayaa inta ay shidaan masraxa isa soo istaagayaan oo inta afka nuuxnuuxiyaan heestii kala jiibinayaan cajaladda CD-ga, iyagoo daawadayaasha isaga dhigaya inay iyagu qaadayaan.

Kashifaaddii ugu foosha xumayd ee tani marqaatiga cad u ah ayaa waxay dhacday bishii Septembar sanadkii tagay 2012 kadib markii fannaanadda Nimco Dareen iyadoo bandhig faneed ka dhigaysa tiyaatar ku yaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya uu masraxii feer iyo Laad kaga soo tuuray wiil Soomaaliyeed oo iyada u careysnaa,  goobtiina ay noqotay meel ay fowdo iyo buuq ka aloosantay, ceebta dhacdayna waxay ahayd heestii ay ku luuqeynaysay fannaanada xilligii laga soo tuurayay masraxa oo weli iska sii socotay, oo yaa qaadaya fannaanadduba waa tan masraxa laga soo tuuraye, heestu waa heestii uun, codku waa codkeedii, waa yaabka yaabkiis ileyn waxa ay fannaaniintu uga lacag qaataan daawadayaasha waa uun cajalad CD ah oo laga shiday Rikoor ama Kumbuyuutar, ceebey tacaal ayay sheekadu noqotay oo fannaaniintu way kashifmeen.

Haddaba waa su’aale, yaan sidaa samayn karin oo inta cajalado heeso ku duuban yihiin  suuqa ka soo iibsada gurigiisa, gaarigiisa ama goobtiisa shaqo ku dhagaysan karin iyadoo aanay qofku lacag uga bixin aadista tiyaar ka fog, waqtina uusan ka lumin, mise muuqaalka fannaanka ayaa xiiso loo qabaa oo lacagta lagu bixinayaa?.

Haddaba waxaa marag ma doonte ah in Fankii Soomaaliyeed uu qadka ka sii baxayo haddii aan la daba qaban, dhammaan qodobada kor ku xusan ee aan soo sheegayna waxay astaan cad u yihiin in Fanku qiimo dhac weyn marba marka xiga ku imaanayo.

Fannaaniin badan oo caan ahaa ayaa isaga baxay fanka, iyagoo weliba ku  tilmaamay in fanku yahay dembi iyo wax xun, waxaana fannaaniintii isaga baxday Fanka ay u badnaayeen kuwii hore iyagoo sheegay in Fanka ay ka Towbad keeneen, Ilaahayna ay ka baryeen in muddadii ay fanka ku dhex milnaayeen dembigii ay ku jireen Ilaahay ka cafiyo, shacabka Soomaaliyeedna waxay ka codsadeen in heesahooda mar dambe aysan dhagaysan, lana qaadan, qolyaha heesaha keydiya ayayna u soo jeediyeen inay gubaan cajaladaha ay heesahooda ku duuban yihiin.

Marka aad maqasho macnaha ereyga Towbad-keen waxaad dareemeysaa ama markiiba qalbigaaga ku soo dhibcaya qof dembi xun ku jiray oo ka baxay kana qoomameeyay isagoo ka towbad keenay oo mar dambana aanu ku laabanayn, fannaaniinta fanka ka baxdayna sidaas ayay caddeeyeen oo waxay sheegeen in fanku yahay xumaan aan wax wanaag ah laga dhaxlayn.

Fanaaniintii ugu dambeysay ee fanka ka baxay sheegayna inay ka towbad keeneen weliba ka qoomamaynaya muddadii ay ku soo jireen ayaa waxaa ka mid ah Aweys Khamiis Mabuuti iyo Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahaa fannaaniintii ugu caansanaa Fanka Soomaaliya, waxayna si cad u shaaciyeen inay Fanka ka bexeen, Ilaahayna ka baryeen inuusan dib  dambe ugu soo celinin.

Aweys Khamiis Cabdalla Mabuuti waxa uu dhalinta soo koreysa ku guubaabiyay in ay fanka ka fogaadaan, kuwa ku jirana wuxuu ugu baaqay inay isaga baxaan maadaama uu yiri fanka waxaa la xiriira fasaad iyo balwado xun-xun, waxaana ka dheeran kara fasaadkaas iyo balwadahaas qofka aan noqonin fanaan ayuu yiri.

Aweys Khamiis inuu fanka ka baxay si dhab ah ayuu u muujiyey oo xilligii uu ku dhawaaqayay inuu fanka ka baxay wuxuu ka soo muuqday saxaafadda la iska arko, wuxuuna ku lebisnaa khamiis, Koofiyadda lagu yaqaano Culumaa’udiinka, wuxuuna deystay gar weyn, waxaana ka muuqatay heybadda  iyo sunnada Islaamka.

Sidoo kale fannaanaddii caanka ahayd ee Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaa bahweynta Fanka Soomaaliyeed ayaa iyana si rasmi ah u shaaciyay in ay joojisay oo gebi ahaanba ka baxday fanka, waxayna sheegtay in ay si niyad ah oo daacad ah ay u joojisay fankii ay muddada dheer ku soo jirtay, waxayna sheegtay in Ilaahay hortiisa ay ka balanqaadeyso in aysan mar kale dib ugu noqon doonin fanka, iyada oo illaahay ka dalbatay in uu ka cafiyo dhammaan qaladaadkii ka dhacay intii ay fanka ku jirtay, sidoo kale waxa ay ka codsatay dhammaan Ummada Soomaaliyeed, Idaacadaha iyo Telefeshinada in ay iska joojiyaan sii deynta ama baahinta heesaheeda, maadaama ay fanka ka baxday, waxa ayna ku celcelisay in qof kasta uu ka aqbalo codsigeeda ayna iska daayaan dhageysiga ama daawashada heesaheeda maadaama aysan ogoleyn.

Haddaba in Fanku yahay wax xun, qiimihiisiina sii dhacayo waa wax iska muuqda oo dhammaan daliilaha kor ku xusan  ayaa marqaati cad u ah, haddii uu wanaag yahayna  kuwii ku soo jilbo murxay ee caanka ku ahaa Fanka ayaan isaga bexeen oo aan ka towbad keeneen.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

 

Leave a Reply