Warar kala duwan oo ka soo baxaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray gobolka Galgaduud
Shan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo uu socdaalkoodu la xiriiro inay u kuurgalaan xaaladda guud ee gobolka iyo sidii ay ugu gogol xaari lahaayeen wafdi heer wasiir ah oo dhawaan booqan doona gobolka gobolka Galgaduud.
Xildhibaanada oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya u qaabilsan gobolka iyagoo kala hadlay socdaal ay dhawaan halkaasi ku tagayaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Cabdinaasir Gaarane Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee booqday Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha ay soo arkaan iyo xaaladda deegaannada ay booqdaan ay uga warbixin doonaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya isagoo xusay in ay booqandoonaan sida uu yiri degmooyin ka tirsan gobolka galgaduud oo uusan sheegin kuwa ay yihiin
Guddoomiyaha gobolka Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow ayaa sheegay inay mudanayaasha u fududeyn doonaan socdaalkooda, halka Guddoomiyaha Guddiga fulinta ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow uu tilmaamay in tallaabadan ay caddeyn u tahay sida uu yiri sida madaxda dowladda ay booqasho ugu imaan karaan gobolka.
Xildhibaanada shalay gaaray Guriceel oo ka soo jeeda gobolka Galgaduud ayaa waxay kala yihiin Cabdinaasir Gaarane Maxamed, Mahad Maxamed Salaad, Nuur Faarax Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Cali iyo Jawaahir Axmed Cilmi.
