|

Qaramada Midoobay oo Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday inuu wadahal la furo maamulada Somaliland iyo…

hassan_banXoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki-moon ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kulanka ayaa bar-barsocday shirkii dalalka Midowga Afrika uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Banki-moon ayaa ka wadahadlay isbedeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo ugu horeyn xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu hanbalyeeyay doorashadii la doortay iyo hogaamintiisa, waxaana Mr. Banki-moon muujiyey sida uu ugu qanacsanyahay dedaalka la bixiyey iyo natiijadda ka soo baxday dagaalkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la galeen Xarakada Al-shabaab, waxaana uu ku nuux-nuuxsady sida loogu baahanyahay in dedaalkaas la sii wado, iyada oo la taageerayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku celceiyey sida uu uga wel-welsanyahay xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga ka dhanka ah haweenka, waxaana uu xukuumadda Soomaaliya ka codsaday inay muhimad gaar ah siiyaan in la dhowro xuquuqda aadana, isla markaasna ilaaliyaan haweenka iyo caruurta.

Sidoo kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka dalabaday dowladda Soomaaliya inay iskaashi iyo wadahadlo la yeeshaan maamulada Somaliland iyo Puntland, isaogoo xusay in Qaramada Midoobay ay dooneyso in la xoojiyo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa kala hadlay sida loogu baahanyahay in Qaramada Midoobay inay u sii balaariyaan dedaalkooda ku aadan Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday in dhamaan xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Kenya ay muhiim tahay inay u soo wareegaan Muqdisho maadaama UNPOS hadda ay halkaas ku shaqeyso, sidoo kale Madaxweynaha ayaa la soo qaaday Banki-moon qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo sidii loogu sameyn lahaa qorshe ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Leave a Reply