|

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaare xoogan oo soo gaartay saraakiil Kenyaan ah oo lagu weeraray…

BALAD-XAAWO11Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gaari ay la socdeen saraakiil iyo askar Kenyaan ah oo lagu weeraray xerada Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan qaxooti badan oo Soomaaliya, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray askartii la weeraray.

Inta la ogyahay seddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay hal kalena waa uu ku dhintay qaraxyo ka dhacay habeen hore gudaha xeryaha Dhadhaab kuwaas oo lagu weeraray gaadiid ay booliisku lahaayeen oo marayey meel ku dhow xerada Dhagaxley.

Sida warku sheegayo weerarka ayaa dhacay fiidnimadii habeen hore xilli ay dadku ku jireen tukashada salaadda cishaha, iyadoo weerarka ka dib ay ciidamo fara badan oo Kenyan ah soo gaareen xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, kuwaas oo baaritaano kala duwan oo ay sameeyeen ku qabqabtay dad badan, waxayna dadkaasi intooda badan la xiriirinayeen inay ka wax ogyihiin weerarka lagu qaaday ee khasaaraha u geystay saraakiishooda.

“Qaraxyada waxaan ku sheegi karnaa dhibaato weyn, balse dadka ku nool xeryaha qoxootiga wax dhib ah kama soo gaarin, dadka xeryaha ku nool waxaan ka dalbanaynaa inay nala shaqeeyaan waayo kooxaha dhibaatooyinka geysanaya iyaga ayey ku dhex nool yihiin” ayuu yiri Charlton Mureithi oo ah taliyaha booliiska gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay dhawaan toogteen sida ay ku doodeen hogaamiyihii kooxo ay ku sheegeen  burcadda dhibaatada ku heysa gobolka waqooyi bari, iyadoo mid kalena uu goobta ka baxsaday, waxayna ciidamadu gacanta ku dhigeen qoryo fudud iyo rasaas fara badan, kuwaas oo ay ku sheegeen in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka sida ay yiraahdeen.

Sidoo kale booliisku waxay sheegeen inay raadinayaan ruux ay ku sheegeen inuu ka mid yahay burcadda dhibaatooyinka ku haya qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo lagu magacaabo Ibraahim Xasan Cali, taliyaha booliiska gobolka Waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegay in weerarku uusan aheyn mid weyn oo dhibaato u geysankara qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo ah kuwa ugu waaweyn dunida.

Leave a Reply