|

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo ka dhacay magaalada B/weyne iyo guulo laga kala sheegtay.

dagaal-beeleedWararka ka imaanay amagaalada B/weyne ee xarunta gtobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu habeen hore saqdii dhexe ku dhaxmaray magaalada Baladweyne ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah.

Dagaalka ayaa biowday ka dib markii xogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo duleedka xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ku lahaayeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ciidamada Midowgga Africa ee AMISOM iyo saldhig ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka joogeen Buundada Liiqliiqato ee isku xirta xaafadda Howl-wadaag iyo xaafadaha kale ee magaalada B/weyne, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinacyada dirirtu dhexmartay ayaa isku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan, waxaana la maqlayey madaafiic laga soo tuurayey qoriga hoobiyaha, hubka laga rido gadiidka dagaalka iyo rasaasta qoryaha darandooriga u dhaca kuwaas oo qalqal ku abuuray dadka rayidka ah ee magaalada gaar ahaan xafaadda lagu dagaalamay ee Howl-wadaag.

Taliyaha ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gurey oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xoog leh la gaarsiiyey sida uu hadalka u dhigay kooxihii weerarka soo qaaday, wuxuuna yiri “Waxaa soo weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka Midowgga Afrika AMISOM Al-shabaab, waxaana la gaarsiiyey jab xoog leh, waana lagu raad joogaa firxadkii ka haray”.

Dhinaca kale saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa sheegtay inay khasaare u geysteen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee maamulka Hiiraan, waxayna intaasi ku dareen in muddo kooban ay la wareegeen fariisiamdii ay ciidamadaasi ku sugnaayeen, markii dambana sida ay yiraahdeen ay si iskood ah uga baxeen.

Dhan kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay  la wareegay deegaanada Luuq-jeeloow iyo Baar oo 30-kilo mitir u jira magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo sida ay sheegen saraakiisha ciidamada dowladdu ay horey ugu sugnaayeen  Al-Shabaab, taliyaha ciidamada lugta ee gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Col. Tawane ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamadooda iyo kuwa AMISOM la wareegeen  tuulooyinkaasi oo sida uu yiri ay horay ay ugu Al-Shabaab.

Leave a Reply