|

Warmurtiyeed ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo laga soo saaray kulankii Baarlamaanka Midowga Yurub.

baarlamanka midowga yurubKulankii ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ee uu ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray warmurteed looga hadlay taageerada Yurub ee Soomaaliya, iyo sidii ay Midowga Yurub gacan ugu geysan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya.

Midowga yurub waxa uu soo dhaweeyay ka gudbiddii marxalada KMG iyo fursadda taariikhiga ah ee ay u heshay Soomaaliya inay ka tilaabto 20-sano oo dagal socday iyo Baarlamanka oo dalka gudihiisa ku doortay M/weynaha, waxaa aan qaban doonaa shir lacago loogu aruurinayo Soomaaliya, waxaana aan amaaneynaa shirkii dhinacyada Soomaalida loogu qabtay bishii Febraury ee sanadkii 2012-kii London, waxaan aan taageersanahay in M/weyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mudnaanta koowaad siiyey amaanka oo muhiimad gaar ah leh inagoo sii wadayna tabarada iyo dib u dhiska Ciidamada dowladda si ay Shabaab ula dagaalamaan.

Waa arrin wanaagsan in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taas oo ay go’aamiyeen Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo danjire Augustina Mahiga lana kordhiyo dhaqaalaha lagu bixinaayo AMISOM, Midowga yurub waxa uu soo dhaweynayaa hormarinta dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaaga, midowga yurub waxaa uu sii wadayaa gurmadsiinta dadka Soomaalida oo sanadkii tagay ay ku bixiyeen 60-million oo lacagta Yurub ah, waxaan door muuqda ka qaadanay la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo aan sameynay ciidamo badan oo u gaar ah Burcad badeeda.

Leave a Reply