|

Wasiirada Soomaaliya oo kulan gaar ah ka yeeshay hoos u dhaca sarifka lacaga qalaad

Shir ay shalay ku yeesheen magaalada golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa looga hadlay sharciga maamul u samaynta gobolada dalka, Sarifka lacagaha qaalaad iyo warbixin kooban oo laga dhageystay wasiirka horumarinta iyo adeegga bulshada Drs. Maryam Qaasim.

Golaha wasiirada ayaa ka dooday isbedelka ku yimid Sarifka lacagta doolarka ah, wuxuuna Ra’isul easaare Saacid uu sheegay inuu aad uga xunyahay halka uu marayo sarifka lacagaha qalaad, waxaana uu saaray Guddi uu horkacayo wasiirka maaliyadda iyo xubno ka tirsan ganacsatada, sidii ay u soo diyaarin lahaayeen warbixin ku saabsan hoos u dhaca ku yimid doolarka iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada ayaa isku raacay in xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin degdeg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.

Ugu dambayntii golaha wasiirrada ayaa meelmariyey hindise sharciyeedka dhismaha maamul u sameynta gobolada dalka oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amiga qaranka, hindise sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.

Markii shirku soo dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo isgaarsiinta C/shakuur Cali Mire oo faahfaahin ka bixiyey shirkii shalay ay yeesheen iyo qodobada la isku raacey, wuxuuna sheegay in wasiiradu ay isku raaceen hindise ku aadan maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya.

Leave a Reply