|

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Suldaan ka tirsanaa Isimmada Puntland oo lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

faroole (2)Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka guud ee beelaha Ugaar Saleebaan  oo ka mid ah beelaha dega gobolada Puntland ayaa barqanimadii shalay lagu toogtay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana dilkiisa ka dambeeyay sida la sheegay koox hubeysnaa.

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Puntland Col. C/casiis Gacamey oo ay suldaanka ehel yihiin, isla markaasna warbaahinta maxaliga ah dilka ka dib la hadlay ayaa sheegay in Suldaanka ay toogteen rag ku lebisnaa dareyska ciidamada, wuxuuna intaas raaciyey in dableyda suldaanka dishay oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ee AK47 ay durbadiiba goobta ka baxsadeen, si dhab ahna aan illaa iyo hadda loo aqoonsan.

Goobta uu dilku ka dhacay oo ah faras magaalaha Boosaaso ayaa waxaa ka agdhow xarumo badan oo uu maamulka Puntland leedahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarunta dowladda hoose, xarunta maamulka gobolka, Bankiga iyo xarunta taliska Booliska ee gobolka Bari, waxaana dilka ka dib halkaasi soo gaaray  ciidamo aad u badan kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baritaano  kala dunwan, inkastoo aan la sheegin cid loo soo qabtay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilka Suldaan Muuse Faarax Muuse {Onkod} ayaa waxa uu sheegay in warkaasi soo gaaray uu aad uga naxay, uuna ka xunyahay gacan ku dhiigalayaashii dilkaasi geystay inaan weli la soo qaban, isagoo  tilmaamay in dilkiisu qeyb ka yahay dad birimageydo ah oo badan oo lagu dilay Puntland, waxaana uu ku eedeeyay dilkaas kuwo amni darro ka wada Puntland.

Mr. Faroole ayaa sheegay inuu ka digaayo in dadka uu Suldaanka u ahaa la majara habaabiyo, ciddaas ayaa dishay oran maayo oo maxkmad ma ahi laakiin dareenkayga waxaan qabaa inay dileen kuwo nabad diid ah, beesha Ugaar Saleebaan ayaa Madaxweynhu ka codsaday inay is xakameeyaan inta wax la hubsanayo, wuxuuna yiri “Dhiig maanta uma horeyn, kuwo la mid ah ayaa la dilay, dilal ayaa horey uga dhacay agagaarka Rako, inta meel lagu caddeynayo samir iyo iimaan hala yeesho”.

Dilka Suldaanka ayaa noqonayaa Suldaankii labaad oo lagu dilo magaalada Boosaaso kaas oo aan la soo qaban cidda dishay, iyadoo dilalka qorsheysan ee loo geysto dadka Birimageydada ah ay soo badaneyeen muddooyinkii dambe gudaha deegaanada Puntland.

Leave a Reply