|

Kulan lagu wada-hadalsiinayo Maamulka Somaliland iyo dowladda Ingiriiska oo ka furmaya dalka Jabuuti

u_19601d_2010-9-8-2-28-30f_4Wafdiyo ka kala socday maamulka Somaliland iyo dowladda Ingiriiska ayaa magaalada Addis Ababa ee dalak Itoobiya ku leh kulan howleed ay kaga wada xaajoonayaan digniintii ay dowladda Ingiriisku ka soo saartay dhawaan ammaanka Somaliland.

Kulanka oo la filayo inuu saacadaha soo socda u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qeybgalaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo taliyaha sirdoonka maamulkaasi Jaamac Maxamed Bootaan, kuwaas oo dhawaan u ambabaxay magaalada Jabuuti, halka ay dowladda Ingiriiskana uga qeyb geli doonaan safiirkooda u fadhiya magaalada Addis Ababa iyo saraakiil kale oo ka iman doonta magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaa la filayaa inay kulankaas Somaliland ku weydiisato dowladda Ingiriiska faahfaahin la xiriirta digniinta amni ee ay bixisay oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inaanay waxba ka jirin.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo qaabilsan Soomaaliya Danjire Matt Baugh ayaa hore u sheegay inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta bixiyey digniinta, waxase uu sheegay inay wadahadal la leeyihiin Somaliland, si kastase waxaa la filayaa inay labada dhinac kulankooda xal kaga gaaraan aragtiyahooda kala duwan ee la xiriira digniinta Ingiriiska.

Leave a Reply