|

Dowladda Mareykan oo sheegtay inay duqeyo ka geysanayso dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kana hadashay…

peneta144Sii hayaha xilka xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Linod Bened oo wareysi gaar ah siiyey wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka hadlay degaanada ay duqeymaha ka geystaan diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Droonka loo yaqaano oo ay ku jirto dalka Soomaaliya iyo sida ay ula macaamilaan dadka shacabka ah ee deegaanadaasi ku nool ka hor inta aysan duqeynta geysan.

Mr. Benid ayaa sheegay in diyaaradhooda dagaalka ee aan duuliyaha wadin in meelaha ay duqeymaha ka geystaan inay ka mid tahay Soomaaliya gaar ahaan degaanada fariisimida u ah dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Sii hayaha xilka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa xusay inay la dagaalamayaan waxa uu ugu yeeray argagixisada kuwaas oo uu sheegay in falal ammaan darro ah ay ka geystaan dalalka mandiqadda ku yaala, wuxuuna intaasi ku daray in meelaha ugu badan ee ay duqeeyaan ay kow ka tahay Soomaaliya.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in sidoo kale diyaaradahooda ay duulaano ku qaadaan Al-qaacidada Yamen halkaas ay khasaare ba’an ugu gaysteen sida uu yiri dagaalayahanada Al-qaacida ee Jaziiratul Carab, wuxuuna intaasi ku daray in dalka Yamen ay dhawaan ku dileen hogaamiyihii Al-qaacida ee Abuu Yaxya Al-liibi.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa imaanaya xilli afhayeenka ciidamada Kenya Saris Acuna uu sheegay in duulaan ay  dhawaan ka fuliyeen gobolka Gedo inay ku dileen sida uu yiri sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, waxayna hadaladan ka soo kala yeeray Kenya iyo Mareykanku ay ku soo aadayaan xilli dhawaan hay’adda xuqulinsaanka ay sheegtay in duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ay ka fuliyaan dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Yamen in dhibaato ay ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Leave a Reply