|

FAHIIMO SALAAD: “Jacayl been ah ayaa la i soo dhadhansiiyay”

qalbi dumarMarka hore waxaan salaamayaa Qorayaasha Website-ka AARANNEWS.COM, waxaana uga hambalyeynayaa dedaalkooda iyo kaalinta wanaagsan ee ay bulshada u hayaan.

Intaa kadib magaceygu waa Fahiimo Salaad, waxaan dhawaan ka imid dalka Sweden, magaalada Muqdisho oo nabad noqotay ayaana hilow ii soo qabtay, waalidkeyna ay ku nool yihiin, waxaana kamid ah akhristayaasha Aarannews.com waxaana ku  taxanahay waxyaabaha cajiibka ah ee uu soo gudbiyo, waxaana si gaar ah u xiiseeyaa bogga Arrimaha Bulshada oo aan dhacdooyin i soo jiitay dareenkeygana wax ka beddelay ka akhristay.

Waxaan go’aansaday in dhib i haysta aan ku soo bandhigo Webka Aarannews.com, run ahaantiina ma jecleyn in aan bannaanka soo dhigo dhibkeyga oo Website ay bulsho fara badan akhrisanayso ku soo qoro dhibteyda, laakiin waxaa igu dhiirigeliyey markaan arkay dhacdooyin kuweyga la mid ah iyo kuwo iga sii daran oo lagu soo qoray, kuwaasoo aan runtii ku nafisay, anna marka aan dhibkeyga soo bandhigo inaan nafisayo ayaan u arkayaa, taasaana igu dhiirigelisay inaan webka la soo xiriiro, waxaana  rajeynayaa in qof waliba oo akhrista dhacdada murugada leh ee ka hadlaysa cadaabka jaceylka beenta ah ee la i soo dhadhansiiyay in uu garaabi doono.

Anigoo dugsi sare dhiganaya ayaa jacayl been ah la igu qiyaameeyay, waxa uuna jecelkaasi soo jiitamayay muddo labo sano iyo dhowr bilood, Wiil ayaa wuxuu ii sheegay in uu i jecel yahay balse dhab kama ahayn kaliya shabaqa lagu dhadhamiyo xanuunka jaceylka ayuu igu ridiyay, mar dambe oo bohosha naarta Jacaylka aan ku dhacay ayaa qaar saaxiibadiis ka mid ah ay ii sheegeen inuu kula soo ballamay in uu badweynta jaceylka igu rido karo kadibna meel cidlo ah igaga dhaqaaqayo, taasna wuu ka dhabeeyay oo sameeyay kadib markii uu jacayl igu abuuray indho aan isaga ahayna aan yeelan waayay, daacadna aan u mooday.

Wiilkaas wax kasta ayaan u huray, waana isu dhiibay, xitaa waalidkey oo ii soo bandhigay guur wiil aanu qaraabo nahay waan ku gacan seyray isaga dartiis oo aniga iyo waalidkey waan isku xumaanay, laakiin isagana barqo cad ayuu iga dhaqaajiyay.

Gabar aanu saaxiibo ahayn ayuu hoosta kala xirtay, si ku xumeyn ah ayuuna gabadhii heshiis guur ula galay, anigana waxba kama ogeyn oo isagaan daba ruclaynayay ilaa heer aan fadeexo kala kulmay, waayo isagoo gabadhii xaflad aroos u dhigay ayuu igu yiri walaalkey ayaa guursanayee xafladda arooska ka soo qeyb gal, anna run baan mooday oo inta aan isa soo diyaariyay ayaan xafladdii tagay, misana isaga iyo gabadhii oo garbaha is heysta ayaa goobtii xafladda soo wada galay, mar aan istaagii ka dhacay ogaal uma lahayn, anigoo suuxsan ayaa goobta la iga qaaday oo gurigeyga la i geeyay.

Dad badan oo asxaabteena ka mid ahaa way la socdeen dhacdadaas, muddana sheekadeyda ayaa socotay oo labadii kulangtaba anigay igu sheekeysanayeen, ilaa markii dambe aan ka haajiray Muqdisho oo aan ka aaday dalka Swedan.

Waxaa igu adkaatay in aan ilaabo dhacdadaas xanuunka leh ee uu igu sameeyay wiilkaas, taasoo igu qasabtay in rag oo dhan aan naco, ilaa iyo haatanna ma aanan guursan oo da’deydu waa 32 jir, niyadna uma hayo guur iyo nin oo dhan.

Gunaanadkii  mar ay dhowr sano ka soo wareegatay  ayuu wiilkii yimid dalka Swedan, wuu ila soo xiriiray, wuxuuna ii sheegay in nabsigeyga uu hayo, isaga iyo gabadhii uu iga doorbidayna aysan bilba isa sii qabin oo ay kala tageen, wuxuuna iga codsaday in aan ka cafiyo dhaawacii uu ii geystay, inkastoo afka aan ka cafiyay haddana uurkeyga weli kama go’in cadaabtii caashaq ee uu ii geystay, wuxuuna i leeyahay aan hadda xiriir daacad ah dib u bilowno, i dhaarso oo Kitaab i mari, daacad ayaan kuu noqonayaa oo guur xalaal ah ayaan kaa doonayaa ayuu igu leeyahay oo igu calaacalayaa, anna dhaar baan ka maray inaan u uur-dabco, isagana weli wuu iga hari la’yahay, ileyn nabsi ayaa hoggaaminayee, go’aan ayaana ku gaaray inaan ka aarguto haddana waan iska cafiyey balse inaan xiriir la yeesho diyaar uma ahi, mar hadduuba cafis iga helay.

W/D:  Caaqil Dalmar

Leave a Reply