|

Talo ayaa iga ciirsane talo waafi ah halay siiyo

caaqilMagaceyga waa Saadaq Yuusuf Axmed, waxaan ku noolahay dalka Kenya, magaalada Nayroobi, waxaan doonayaa in arrin I heysata la iga talo siiyo, marka Caaqil Dalmaroow bal talaadada igu caawi dhacdada igu dhacday waxay u dhacday sidane:

Waxaan jacayl u qaaday gabar aanu deris wadaag ahayn, qacdiiba waan u bandhigtay jacaylka, balse waxay ii sheegtay in aysan jacayl iyo afaarihiisa haatan u soo jeedin, laakiinse ay i tixgelinayso, waxaan muddo wada sheekaysanaba markii dambe gabadhii jacayl ayay iyana ii qaadday oo waxay ii sheegtay inay si dhab ah ii jeceshahay oo qudheeda la saaqay, anna waan ka dareemay inay gabadhu i jeceshahay, waana is aaminay.

Laakiin mduddo markii aan wada soconay gabadhii waxaan ka dareemay habacsanaan, waxayna iila dhaqantay si bani’aadannimada ka baxsan oo waxay bilowday in iga jarato hadalladii macaanaa, sidoo kale waxay iga dansatay taleefoonkii, fariimihii ka turjumayay dareenka jacaylna waan ka waayay, markaan waydiiyo isbedelka ku yimid waxay igu oranaysaa adigaa mooday mooyee daacad ayaan kuu ahay, waxaan ku iri walaalay runta ii sheeg oo igu dheh waan ku nacay, waxay iigu dhaaratay inaanay I necbayn qof aan aniga ahayna aysan rabin, haddana firfircoonidii jacayl iyo wanaagii aan ku bartay kama hayo, marka Caaqiloow arrintaas ayaan ku wareersanahay ee maxaan sameeyaa bal ila tali waan jahawareersanahaye.

TALO BIXIN:

Bismillaahi Raxmaani Raxiim:- Jacaylku waa wax jira oo ka dhexeeya lamaane lab iyo dhedig ah, waana is afgarasho labada qof dhex marta, gabadhu waxay kuu sheegeysaa inaysan kaa dal doorsan haddana sansaanka muuqda ee aad dareemeyso isbedel ayaa dhankeeda ka jira oo telefoonkii way dansatay, fariimihii jacaylna kaa deysatay haddana weli kuuma caddeynayso inay kaa dal doorsatay ama ku nacday.

Marka waxaa suuragal ah in cadaadis uu heysto gabadha una badi xagga waalidka inuu cadaadis kaga yimid, ayna kaala xishooneyso inay kuu sheegto, marka adiga waxaa lagaaga baahan yahay samir iyo dulqaad inaad u yeelato jacaylka ku gubaya, waxaadna qalbigaaga gelisaa in aad aaminto gabadha ku dhaaratay in ay ku jeceshay oo aadan meel cidla ah ka didin, waxaadna ogaataa haddii Alle kuu qaddaro calafna aad isku leedihiin in aad mar uun is hanan doontaan, waxaadna badisaa baryada Alle, kuna ducayso mar waliba in Alle uu kuu sahlo guurka gabadhaa aad jeceshahay haddiiba uu khayr kuu yahay guurkeeda.

Leave a Reply