|

Tartankii dalka Uganda uga socday kooxaha Soomaalida oo heer gebogebo ah maraya

cayaar2Tartan ciyaareedkii loogu magac daray Accord Cup 2013 oo ay ka qeyb qaadanayeen ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee ka socday dalka Uganda ayaa soo gaaray heer gebogebo ah.

 

Tartankaas oo ay ka qeyb qaadanayeen Siddeed kooxood oo ku kala cayaarayay magacyada kala ah Maashaa-Allaah, City Star, Goobe G, Elman FC, Hiiraan FC, Daalo FC, Gaalkacyo FC iyo Dabka FC ayaa waxaa isugu soo haray afarta kooxood ee kala ah:  MAASHAA ALLAAH vs GALKACYO iyo DABKA vz ELMAN.    

 

Guddoomiyaha tartankaas Bashiir Diiriye Naaleeye ayaa saxaafadda u sheegay in tartanka Seme-finalka uu bilaabanayo maalinka berry ah oo ku began 8.2/2013, kooxdii ku soo baxdana ay muteysan doonto abaalmarin iyo koobkii  tartanka loogu talo galay.

 

Waxaa tartankaas soo qabanqaabiyay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo lagu magacaabo Maxamuud Accord oo tibaaxay in tartanka loogu talo galay isdhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, ka hortaga mukhaadaraadka iyo waxyaabaha xunxun ee ay dhalinyaradu ku mashquulaan, isagoo xusay in kooxdii kaalinta koowaad gasha la siin doonaa abalaamarino ay ku farxaan.

Leave a Reply