Kooxda MAASHAA ALLAAH oo afka ciidda u dartay kooxda Gaalkacyo
Tartankii ACCORD CUP-ka ee ka socday magaalada Kampala ee dalka Uganda oo heer gebogebo ah maraya ayaa waxaa maanta cayaar kulul ay dhex martay kooxaha MAASHAA ALLAAH IYO GAALKACAYO.
Cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa gool la hor maray qeybtii hore ee cayaarta kooxda Maashaa Allaah waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Xaaji oo gool caaqiibo leh ku hubsaday shabaqa kooxda Gaalkacayo.
Markii ay daqiiqado socotay ayaa waxaa kooxda Gaalkacayo u suuragashay inay gool barbar dhac ah dhaliyaan, waxaana u dhaliyey cayaaryahan Yaasiin balse mar kale ayay kooxda Maashaa Allaah heshay gool kale oo uu shabaqa la helay cayaaryahan Yuusuf, waxaana lagu kala nastay 2 – 1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Maashaa Allaah.
Markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ayaa waxay kooxda Gaalkacyo sameysay dadaal dheer waxayna heleen goolka bareejada 2 – 2 waxaana u dhaliyay cayaaryahan Saciid, mar ay cayaarta gabagabo ku dhowdahay ayaa waxaa dardar kulul la yimid kooxda Maashaa Allaah oo weerarkeeda dhaqaajisay waxaana u suuragashay goolkii guusha oo uu dhaliyay cayaaryahanka Abuukar. Ciyaartiina waxay ku soo idlaatay 2-3 oo ay guusha ku raacday kooxda Maashaa Allaah oo u soo baxday finaalka.
Maalinka berry ah ayaa waxaa wada cayaaraya kooxaha Elman iyo Dabka, middii soo badisana waxay la cayaareysaa kooxda Maashaa Allaah oo bannaanka taagan.
