|

Dowladda Holland qaxooti Soomaaliyeed dib u soo celineysa iyo kuwo kalena xir xirtay

afganistanDowladda holland wayaa markii ugu horeysay laga soo bilaabo 2010, waxay dib ugu soo celineysaa gudaha dalka soomaaliya qaxooti Soomaaliyeed oo codsiyadoodii magangelyo ahaa la diiday, waxaana la sheegay in maanta oo arbaco ah ay qorsheyneyso dowladda Holland inay qeybtii u horeesay dadkaasi ay dalka dib ugu sooceliso halak qeybta labaadna la sheegay inay dooneyso inay soomaaliya ku sooceliso bilowga todobaadka soo socda.
Qoraal lagu soo daabacay bogga Hay’adda VluchtelingenWerk ee caawisa dadka qaxootiga ayaa lagu sheegay in arrintan dib u celinta ah ay tahay mas’uuliyad daro, waxayna hay’adda ay walaac ka muujisay xaalada dadkaasi Soomaaliyeed ee lagu celinayo dal aan weli amaan hagaasan ka jirin.
VluchtelingenWerk waxay sheegtay in Xaalada amaanka ee wadanka Somalia weli xun tahay, isla markaana aysan jirin amaan iyo damaad qaad dadkaasi amaankooda lagu xaqiijinkaro waxayna hay,addu sheegtay in arrintaniay u muuqato mid bilow u ah sidii kooxo cusub loogu celin lahaa Somalia.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa u sheegtay Holland in aysan celin qaxootiga Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa la sheegay inay Holland taasi ku gacaseyrtay ayna goosatay inay dadkaasi soomaalida ah ka soomasaafuriso dalkeeda, Maxkamadda sare ee dalka Holland ayaa sanadkii hore amar kasoo saartay qaxootiga Soomaaliyeed ee dib loogu celinayo dalkooda, iyadoo mamnuucday in dadkaasi dib looceliyo sababo ay ku sheegtay xaalada dalka ay ka yimaadeen oo ah mid aan hagaagsaneyn iyo xadgudub dhinaca xaquuqda aadanaha ah.
Dalka Holland waxaa ku sugan Qaxooti Soomaaliyeed oo codsiyadooda la diiday, kuwaasi oo ku nool dhismaha Kaniisad ku taal Amsterdam, halkaasi oo dadka u dhashay wadankaan iyo ajaaniibta kale ee ku nool ay tabarucaad joogto ah u fidiya dadkaasi ka dhibaateysan dhinaca sharciga.
Dhinaca kale Ciidamada Booliska dalka Holland ayaa xabsiga dhigay labo nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu qabtay Jaad dhinaca wadanka Ingiriiska laga soo geliyay xilli labada nin ee Soomaaliyeed sii galayeen guri ay ka deganaayeen magaalada Waalwijk ee gobolka Noord-Brabant.
Ciidamo Boolis dhar cad ah ayaa dabagal ku hayay labadan nin ee la qabtay, iyagoo daba socday warbixin ay kasoo heleen dhalinyaro Soomaaliyeed oo horay loogu qabtay ka ganacsiga qaadka xilli dalka Holland laga mamnuucay, jaadka lagu qabtay Labadan nin ayaa cadadiisa ama miisaankiisa lagu sheegay 180 Kg, waxaana ninka ka ganacsanayay ee la qabtay lagu naaneesaa Gaagaale, kaasoo degan magaalada Waalwijk, iyo nin kale oo isna ay saaxiibo yihiin, jaadkii iyo gaarigii lagu waday ayaa ciidamada Booliska ay la wareegeen, waxaana la dhigay xabsi, iyadoo laga yaabo in uu mudeysto xabsi mudo qaata iyo ganaax lacageed oo cadadeeda aan la ogeyn.
Dhanka kale xadka kala qeybiya Holland iyo Biljamka ayaa waxaa lagu qabtay qaadkii ugu badnaa ee Booliska gacanta ku dhigo, kadib markii nin u dhashay dalka Lituweeniya gaarigiisa laga helay jaad lagu qiyaasay ku dhawaad Hal tan, dalka Holland ayaa gebi ahaan laga mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista qaadka taariikhda markay aheyd 05-01-2013, iyadoo qofkii lagu helo isagoo ka ganacsanaya ama cunayo uu mudeysan doono ganaax iyo xabsi mudo qaadan doona.

Leave a Reply