Khabiir Soomali ah oo fariin u diray dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kuna baaqay…
Hawada & Garoomada Somaaliya waxay soo mareen marxalado kala duwan, hay’ad maamusha waxaa xukuumada Somaliyeed oo Ra’isul wasaaraha ka ahaa C/risaaq Xaaji xuseen ay samaysay sanadkii 1967-dii intii ka horeysayna waxaa maamuli jiray Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Sanadkii 1967-dii ayaa waxaa Germany ka yimid dufcad Germany loogu soo tababaray bayloodninmo,Hagid diyaaradaha & hawada waxayna si habsimeleh u bilaabeen hawlihii Garoomada,hawada &a diyaaeadaha waxayna maamuli jireen Shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.
Saleebaan Cali Barre waxa uu ka tirsanaa 54-taas qof ee Germany lagu soo tababaray kuna takhasusay arrimha Hawada &Garoomada Saxaafadda uga waramay taariikhda ay soo mareen garoomada & hawada Somaliya,wuxuuna dhaliilay hawlaha ay qabteen hay’adahii loo xilsaaray inay maamulaan hawada Somaliya markay burburtay dawladdii dhexe ee Somaliya 1991-dii.
Saleebaan Cali Barre ayaa talo Qarmada Midoobay u soo jeediyey,wuxuuna ku booriyey inay baaraan hawlaha & halka ay marisay lacgata ay ka qaaday hawda Somaaliya haya’da CACAS, hay’adda Caretacker Authority of Civil Aviation Somalia {CACAS} oo hadda gacanta ku heysa hawada Soomaaliya fadhigeeduna yahay magaalda Nairobi ayuu sheegay in loo baahanyahay inay u soo guurto gudaha Somaliya.
Khabiirkan ayaa dowladda Federaalka ee Somaaliya u jeediyay inay la socoto kalana xisaabtimo CACAS waxa ay ku qabatay lacagihii Canshuurta ahaa ee hawada Somaaliya ka qaaday tan iyo wixii ka ka danbeeyey burburkii dawladda dhexe ilaa xilligan.
