|

Xubno iska soo horjeeda oo siyaabo kala duwan uga hadlay maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo.

xildhibaanoKulankaan looga hadlayay doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso maamul u sameynta gobollada jubbooyinka oo ay ka qeybgaleen mudaneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada jubbooyinka ayaa shalay  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa laga soo saaray baaq ku aadan in dib loo dhigo shir  ay iclaamiyeen masuuliyinta mamaulka KMG- ah ee Kismaayo iyo in dowladda Soomaaliya ay qaadato hogaanka maamul mideysan loogu sameynayo gobollada jubbooyinka sidaasna waxaa warbaahinta u sheegay C/qaadir Cusmaan Cali Shiddo oo kamid ah kaqeybgaleyaasha kulanka.

Sidoo kale C/qaadir Xaaji Maxamed oo isna ka hadlay kulanka ayaa ka codsaday dowladaha caalamka in ay dowladda Soomaaliya usoo maraan dedaal kasto oo ay ku tageerayaan maamul u sameynta jubboyinka si loo helo maamul cadaalada ah oo ay u simayihiin beelaha deegaanka ku wada nool.

Ka qeybngaleyaasha kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maamul ay dadka deegaanka raali ka wada yihiin loo sameyo jubbooyinka iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u shaacisay in maamul ay dadku soo doorteen u sameyn doonto Gobollada jubooyinka iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka.

Dhinaca kale xubno katirsan guddiga qabanqaabada maamul u sameynta jubbooyinka oo iyana warbaahinta la hadlay xalay iyagoo ku sugan magaalada kismaayo ayaa sheegay inaysan joojineynin shirkaasi ay qabanayaan islamrkaasna ay inta badan soogaareen magaalada kismaayo  ergooyinkii shirka kaqeybgelilahaa waxayna intaasi ku dareen in ciddii goboladaasi ka soojeeda  ee wax tabanaya ay miiska wadahadalka yimaadaan oo ay tabashadooda sheegtaan.

Xubnahani waxay kaloo sheegeen in dowladda looga baahan yahay inay ergo shirka u soodirsato waxayna intaasi ku dareen inaan marna shirkaasi dib loo dhigidoonin xittaa haddii ay dowladda soomaaliya ay ka soo qeybgeliweyso sida ay yiraahdeen.

Leave a Reply