|

Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in ay ka saarto sharciga Saxaafadda qodobada Caburinaya Xoriyadda Saxaafadda

FM1Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ayaa shalay  soo saaray war rasmi ah oo ku aaddan dib-u-eegis lagu sameynayo sharciga saxaafadda Soomaaliya.waxayna IFJ ugu baaqday dowladda cusub ee Soomaaliya in ay qaado tallaabo deg deg ah oo wax ku ool ah oo lagu badalayo qodobbada la diidan yahay ee ku jira sharcigan oo la meel-mariyay bishii December ee sanadkii 2007dii.

“Sharcigan waxa uu ka mid ahaa shuruucda dalka oo muddo shan sano ka hor la sameeyey  waxuuna  xadgudub ku yahay xeerarka caalamka, waxaana badanaa isticmaalayay saraakiisha maamullada Soomaalida si ay u caburiyaan suxufiyiinta iyo warbaahinta mar alla markii ay doonaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Adduunka Jim Boumelha.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa waxaa hotelka Saxafi ee magaalada Muqdosho ku qabtay kulan wadatashi ah Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ. Kulankan ayaa ujeedkiisu uu ahaa sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa sharcigan.

“Maanta suxufiyiinta Soomaaliyeed badanaa waxaa ay yihiin dhibanayaasha fowdada dhimashada leh iyo sharcigan oo ay adeegsadaan hay’adaha dowladda, kuwaasoo handadaya, isla markaana culeys saaraya suxufiyiinta” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

IFJ waxaa ay soo dhaweysay wadatashiyada uu wado ururka NUSOJ, waxayna ballanqaaday in ay taageereyso dib u eegista lagu sameynayo sharcigan kasoo ah in uu meesha ka saaro dib u adeegsiga suxufiyiinta xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

IFJ waxay ku baaqday in la xurmeeyo rabitaanka dhabta ah ee bahda saxaafadda, kaasoo ay kaga soo horjeedaan u sameynta hal sharci oo saxaafadda iyo isgaarsiinta khuseeya.

Leave a Reply