|

Xukumada Silanyo oo Albaabada u laabtay TV laga daawado borama,xabsigana dhigtay laba masuul iyo mudaharaad arintaas ka dhashay oo gil gilay.

22Telefishin laga daawado gudaha magaalada Boorama oo la yihdaahdo Rayo TV ayaa  xalay  xukumada Siilanyo abaara sideedii fiidnimo Iriradaha u laabtay markii sida la sheegay uu dhowr Habeen oo isku xiga uu sii daayey Barnaamij salaadiini ku dhaliishey xukumada Siilanyo iyo Gabay la sheegay in xukumada Siilanyo iyo wakiilada xukumada Boorama u joogaa aanay jeclaysan oo ka biyo diideen.

Sida warku sheegayo waxaa xukumada Siilanyo Xabsiga u taxaabtay laba hawl-wadeen oo ka tirsan TV-ga oo kala ah Agaasimaha TV-ga Maxamed Cali iyo Madaxii waaxda farsamada Cabdifataax Cilmi kuwaas oo laga qabtay xarunta TV-ga.kadibna xabsiga la dhigay

Dhinaca kale waxaa la sheegay in TV-ga Rayo oo soo daaya Barnaamijyada ciyaaraha, dhalinyarada reer Booramana aad u daawadaan in markii laga war helay in xukumada Siilanyo albaabada u laabay ay dhalinyaradu mudaharaad bilaabeen oo Taayiro wadada bartankeeda ku gubeen,islamarkaana shiideen dhismayaasha iyo xafiisyada dowladda iyo Guryaha saraakiisha Booliiska siiba Guriga Taliyaha Booliiska Borama.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa  in mudaharaadkaasi sababay in ciidamada Booliisku rasaas u isticmaalan si ay ku kala dareeriyaan dhalinyarada mudaharadaaysay inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawaca oo rasaastaasi geysatay

Dhinaca kale Wararka naga soogaaraya magalada hargeysa ayaa sheegaya in  Ciidamada Amaanku hawlgal ay ka Sameeyeen Xaafada Xidigta (Wadada Dumbuluq) ee duleedka Koonfureed ee buundada  weyn ee Hargeysa inay ku qabqabteen ku dhawaa toboneeyo nin oo looga shakisan yahay inay xiiriir la leeyihiin dagaalyahana  alshabaab..

.Ciidamada nabadsugidda Somaliland oo la geeyey halkaasi ayaa Isku Wareejiyey abaaro 11:00 Habeenimo ee habeen hore  laba Albeergo  oo la Hurday  kuwaas oo ay  saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ay  sheegeen  inay ku jiraan Rag hubaysan oo sida ay yiraahdeen   xiriir la leh xarakada Al-shabaab   , sida ay wargeyska Haatuf ee ka soobaxa magalaada  hargeysa u sheegeen dad ka agdhawaa goobtaasi.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ayaa habeen hore halkaasi ka sameeyey baaritaan  ay ku sameynayeen gaadiidka iyo dadka marayey waddooyinka waaweyn ee magalada hargeysa

Todobaadkan ayay ciidamada Bileyska Laascaanood hawlgalo ay ka sameeyeen magaaladaasi la sheegay in lagu soo qabqabtay dad ay ka shakiyeen  ah, kuwaas oo markii dambe loo gudbiyey xabsi ku yaalla magaalada  Hargeysa.

Leave a Reply