|

Soomaali laga soo tarxiililahaa dalka Holland oo daqiiqaddii ugu dambeeyay la joojiyay kadib markii…….

teaser-somaliers-ind_0Dad soomaali ah oo la doonayey in laga soo tarxiilo dalka Holland maalintii shalay ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay la joojiyey kadib markii uu amar ka soohorjeeda in dadkaasi soomaaliya loo soo tarxiilo uu ka soo baxay makamad ku taalla dalkaasi

Sida warku sheegayo Maxkamadda waxay joojisay Subaxnimadii Arbacadii shalay masaafurinta  dad magan gelyodoon ah oo Soomaali ah , waxayna Maxkamaddu go’aankeeda u cuskatay waxa loogu yeero, xaalad kumeel-gaar, Voolopige Voorziening (Vovo) ee uu garyaqaanka  dadkaasi u doodayey uu doraad maxkamadda u gudbiyay taas  oo ay  maxakamddu oggolaatay Sidaasi darteed ayey tiri maxkamaddu masaafurintii dadkaasi soomaalida ah waxaa looga noqday si ku-meel-gaar ah, inkastoo ay dowladda Holland ku adkeysaneyso in dadkaasi dalkooda soomaaliya loo masaafuriyo

Xoghayaha Dowladda ee qaabilsan qaxootiga Tevens wuxuu dhawaan wax ka baddal ku sameeyay siyaasadda uu kula dhaqmayo Soomaalida, hase yeeshee waxay gabogabadiisu tahay sida ay qabto hay,adda  vluchtelingenwerk oo qaxootiga caawiso in Soomaaliya aysan wali xasilooni buuxdaa ka dhalan . Sidaa darteedna ay si aad iyo aad ah uga walaacsan tahay waxa ay ku dambayn doonaan dadkaasi haddii la celiyo

Qiyaastii, tarxiilka ay dowladda Holland dooneyso  wuxuu saameynaayaa  dhor boqol oo Soomaali ah. Waxaana jira Kooxda qaxootiga taakuleysa iyo dhowr urur  oo xuquuqda dadka u dooda oo masaafirinta ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ay ka muuqato.Ilaa iyo haatan ma jiraan wadamo kale oo Yurub ah oo sheegay inay si qasab ah qaxootiga  Soomaaliyeed dib u celinayaan.

 

Leave a Reply