|

Inter Milan Oo u Soo Gudubtay Finalka Koobka Champions League Ee Qaarada Yurub. (Daawo Sawirada).

Aarannews(barcelona)Waxaa xalay ka dhacay garoonka New Camp ee kooxda Barcelona ciyaar aad iyo aad u kuleed uu u dhexeysay naadiyada Barcelona iyo Inter Milan ciyaartaan oo u muuqatay mid ay ku awood sareysay dhanka kubada iyo position-kaba  kooxda Barcelona  oo marti galineysay Inter Milan ayaa waxaa inta badan kubadu ku socotay qaybta Inter Milan iyo nawaaxiga goolka  kooxda Inter Milan.

 Barcelona ayaa u baahneed in ay ku badiso ilaa 2 gool oo nadiif ah si ay ugu soo gudubto finalka kooba horaalka ee Champions League waxaana u suurgo gashay Barcelona in  10-kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta  ay hesho Gool qura, hasa yeeshee kooxda Inter Milan oo taba baraheed Murincho uu ku soo talo galay in aan galas biyaa laga darsan ayaa soo bandhigtay ciyaar ku dhisan difaac adag  iyada oo  qorsha xalay u dagsanaa Inter Milan uu ahaa in ay ilaashato gool-keeda madaama ay horay uga soo badisay kooxda Barcelona sidaa darted Barcelona looga bahanyahay in ay dhaliso 2 gool oo nadiif.

 Ugu yaraan 100,000 oo  qof oo taageero Barcelona ah ayaa soo buux dhafiyay garoonka ciyaarta ay ka dhaceysay si ay u dhiiri galiyaan Barcelona oo ah nadiga xiligaan heysta koobka hoyraalka Yurub ee Champions League .

 Barcelona ayaa ku hanweyneed in ka badiso Inter Milan laakin riyaadaas waxaa ka diiday difaac Inter Milan oo hasata difaac adag.

 Kooxda Barcelona ayaa waxaa lagu yaqanaa ciyaar wanaagsan iyo kubad isku dhii dhiib ah taas oo inta badan sababta niyad jab ku yimaada kooxda markaas la ciyaaree marka danbe u sahasha  Barcelona in si xarago leh ay goolal  macaan ku dhaliso sida midii ay la ciyaarta kooxda arsenal ee ka dhisan dalka ingiriiska.

Marka la fiiriyo ciyaartii ka kal hore ka dhacdey garoonka  Inter Milan waxaa Barcelona loo diiday in ay ciyaarto banoonigii quruxda badnaa ee inta badan lagu yaqaanay in ay soo bandhigto  iyadoo markii danbana loogu awood sheegtay 3-1

Inter  Milan ayaa xalay u soo baxday finalka kooba horyaalka Qaarada Yurub ee Champions League waxaana ciyarta finalka ah ay la ciyaari doontaa kooxda Bayern Munich oo iyadana kuu soo istaagtay  kooxda Lyon ee ka dhisan dalka faransiiska.

Qaab ciyaareedka sanadkaan  iyo sadaashii la hayay ayaa waxaa iska badalay wax weyn  kadib markii ay finalka isugu yimaadeed 2 kooxood oo aan ku jirin saadaasha ee Inter Milan iyo Bayern Munich oo intii  sanad yadaan ah aan imaan  heerarka nuucaan  oo kala ah waxaana meesha ka baxay dhamaan kooxihii loo sadaalinayay in ay hanan karaan koobka horaalka Yurub ee  The Champions league

 Daawo Sawirada

Leave a Reply