Inter Milan Oo u Soo Gudubtay Finalka Koobka Champions League Ee Qaarada Yurub. (Daawo Sawirada).
Aarannews(barcelona)Waxaa xalay ka dhacay garoonka New Camp ee kooxda Barcelona ciyaar aad iyo aad u kuleed uu u dhexeysay naadiyada Barcelona iyo Inter Milan ciyaartaan oo u muuqatay mid ay ku awood sareysay dhanka kubada iyo position-kaba kooxda Barcelona oo marti galineysay Inter Milan ayaa waxaa inta badan kubadu ku socotay qaybta Inter Milan iyo nawaaxiga goolka kooxda Inter Milan.
Barcelona ayaa u baahneed in ay ku badiso ilaa 2 gool oo nadiif ah si ay ugu soo gudubto finalka kooba horaalka ee Champions League waxaana u suurgo gashay Barcelona in 10-kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ay hesho Gool qura, hasa yeeshee kooxda Inter Milan oo taba baraheed Murincho uu ku soo talo galay in aan galas biyaa laga darsan ayaa soo bandhigtay ciyaar ku dhisan difaac adag iyada oo qorsha xalay u dagsanaa Inter Milan uu ahaa in ay ilaashato gool-keeda madaama ay horay uga soo badisay kooxda Barcelona sidaa darted Barcelona looga bahanyahay in ay dhaliso 2 gool oo nadiif.
Ugu yaraan 100,000 oo qof oo taageero Barcelona ah ayaa soo buux dhafiyay garoonka ciyaarta ay ka dhaceysay si ay u dhiiri galiyaan Barcelona oo ah nadiga xiligaan heysta koobka hoyraalka Yurub ee Champions League .
Barcelona ayaa ku hanweyneed in ku badiso Inter Milan laakin riyaadaas waxaa ka diiday difaac Inter Milan oo yasata difaac adag.
Kooxda Barcelona ayaa waxaa lagu yaqanaa ciyaar wanaagsan iyo kubad isku dhii dhiib ah taas oo inta badan sababta niyad jab ku yimaada kooxda markaas la ciyaaree marka danbe u sahasha Barcelona in si xarago leh ay goolal macaan ku dhaliso sida midii ay la ciyaarta kooxda arsenal ee ka dhisan dalka ingiriiska.
Marka la fiiriyo ciyaartii ka kal hore ka dhacdey garoonka Inter Milan waxaa Barcelona loo diiday in ay ciyaarto banoonigii quruxda badnaa ee inta badan lagu yaqaanay in ay soo bandhigto iyadoo markii danbana loogu awood sheegtay 3-1
Inter Milan ayaa xalay u soo baxday finalka kooba horyaalka Qaarada Yurub ee Champions League waxaana ciyarta finalka ah ay la ciyaari doontaa kooxda Bayern Munich oo iyadana kuu soo istaagtay kooxda Lyon ee ka dhisan dalka faransiiska.
Qaab ciyaareedka sanadkaan iyo sadaashii la hayay ayaa waxaa iska badalay wax weyn kadib markii ay finalka isugu yimaadeed 2 kooxood oo aan ku jirin saadaasha ee Inter Milan iyo Bayern Munich oo intii sanad yadaan ah aan imaan heerarka nuucaan oo kala ah waxaana meesha ka baxay dhamaan kooxihii loo sadaalinayay in ay hanan karaan koobka horaalka Yurub ee The Champions league.
Waakuwan Sawiradii Cayaarta:














