Ads
 
|

QALBI LABO U QEYBSAMAY

AKHRISTAYAASHA SHARAFTA LEH EE AARANNEWS.COM WAXAAN UGU BISHAAREYNEYNAA IN DHAWAAN LA BILAABI DOONO SHEEKO XIISO BADAN OO UU QORAY QORAAGA CAAQIL DALMAR OO HOREY SHEEKOOYIN LOOGA DABA DHACAY U SOO BANDHIGAY.

QISADAN OO LA MAGAC BAXDAY QALBI LABO U QEYBSAMAY WAA QISO XAMBAARSAN FARXAD IYO MURUGO LABADUBA, WAXAADNA KALA SOCON DOONTAA SHABAKADDA AARAN NEWS.COM MAALIN WALIBA OO AXAD AH, DHAWAAN AYAYNA BILAABANAYSAA HADDII UU RABI IDMO.

Hordhac:

Qalbi Labo u qeybsamay

Qaadkiisu weynaa

Qalad jaceyl laga galay

Qaracan iyo qamuunyiyo

Qasaarihiisu badanaa

Qof walboo maqlaa ama

Qisada aqriyaa

Qiran ujeeddadee

Qalbigii qaladka galay

Qeybiyoo labo qof

Qol isugu geeyay

Qowl Caashaq la galay

Qiyaas adiguba’e

Qisadu siday u dhacday

Qeyboo wada aqri

Qofna yuu kaaga qisoon

Qormo weeye la hubee

Qeyb waqtigaaga ka sii

Qalad haddaad aragtana

Qormo ii soo gudbiyoo

Qoraayow qaado

Qaladkaaga igu dheh

Qaaligeygow annaa huba

Qalad wixii aan qoray

Qaadanayoo aan sixiye.

Leave a Reply