MA YAHAY SAAXIIBKAAGA AAD U JECESHAHAY NINKAAGA AMA XAASKAAGA?
Marwo Umul Balqiis oo ah hooyo Soomaaliyeed Guurkeeduna gaaray 16 sano ayaa waxa ay tiri “Waxaan u orankaraa si daacad ah ninkayga ayaa ah saaxiibka aan ugu jeclahay”. Markii aad aad uga fakarto macnaha saaxiibtinimada iyo macaanida ay leedahay ayaa waxaa kuu soo baxaya in ay tahay ruux aad jeceshahay la joogiisa, la sheekeeysigiisa. Waxaa kale oo lagu micnaynkaraa in saaxiibka wanaagsani uu yahay kan mar walba ku garabtaagan. Hadii aad joogto abaar iyo aaranba. Hadii aad bukooto iyo hadii aad caafimaadqabto. Saaxiibku waa kan ku garabtaagan hadii aad maradu kaa dhacdo, waa kan aad is aaminteen daacadna kuu ah sirtana aad ku qarsato. Waana kan ceebtaada astura waana kana aad goor kasta isku halaynkarto alle kasokoow.
Hadaba, ninkaaga ama xaaskaaga ma yahay saaxiibka aad ugu jeceshahay? Maxaayeelay waxaa la doonayaa in qofka aad lawadaageeysid nolosha uu yahay saaxiibka aad ugu jeceshahay si guurkiinu uu u najaxo. Waxaana culimada ku xeeldheer guurka ay sheegaan in lamaanahaaga oo ah saaxiibka aad ugu jeceshahay ay ka dhigantahay in uu adkaaday aas aaska guurkaaga.
Hadaba si looga dhigto lamaanahaaga saaxiibka aad ugu jeceshahay, Waxaa laga doonayaa labada is qaba in ay isku naxariistaan, ayna isku daacad ahaadaan.Waxaa laga doonayaa in xiliyada adag ay la yimaadaan dhexdooda is jacayl iyo raxmad. Waxaa laga doonayaa in aan qaladka ka dhaca labada is jecel ee iska doortay dadka intiisa kale ay la yimaadaan dhexdooda isku dhimrin iyo isku cudurdaar. Waxaa laga doonayaa in ay siwanaagsam oo diiran iskula hadlaan isna dhagaystaan oo qofba qofka kale u dhaga nuglaado. Waxaa laga doonayaa in ay isu muujiyaan jacayl iskuna eegaan il xambaarsan dareen ay ku jirto raxmadi. Waxaa laga doonayaa in lamaanaha is jecel ay iskugu sabraan iskuguna cudurdaaraan marka ay timaado is afgarad la aan. Waxaa kale oo laga doonayaa in ay is dhiirigaliyaan, is aaminaan isna qadariyaan. Hadii lamaanayaasho ay qaadaan talaabooyinkaas waxaa hubaal ah in lamaanahaagu noqonayo saaxiibka aad ugu jeceshahay.
Waxaana la ogaaday hadii aad ka dhigato saaxiibkaaga aad ugu jeceshahay qofka kula wadaaga nolosha in aad bad baadisay guurkaaga, saaxiibtinimadu waxa ay korisaa guurka waxaana ay furtaa albaabo uusan jacaylku furi Karin sidaas daraadeed waxaa loogabaahanyahay labada is qaba in ay isjeclaadaan misna ay ahaadaan saaxiibaha iskugu fiican.
W/Diyaariyey: www.aarannews.com

maasha allaah aqliga alha kuudaayo waasax anaa cadeynaayo taas ineey guul weyn utahay guurka wa biulaahi towfiiq jizakalaah qofka maqaalka qoray oowaq tigiisa siiyay
abaay anoon damay buu iga tagay qoraalkii hore usoo ducee gabdhaha somaliyeed in uu adoo kale kadhigo siiyo figradaada waa mid fiica maan sha allaah ale hanagu guuleeyo
Mashallah umu balqiis jir o joog my qaaali waan ku farxsanahay
noloshada farxada badan iyo in u ninkagu yahay saxiibkaga qaaliga ah
waxan filyaa in ay riyadadu ku rumoowdey e usoo duceey kuwa kula mid ka ah
macanto.hadana waxan ku leyahay farxad ku sii wara. amiiiin amiin.ana isoo duceey yaah kkkk
asalama allaykum warahmatulaah walaal la yaal maxaa saaxiib laga dhigtaa oo wax loo sheegtaa markuu afar iyo lix kaadhalo ayuu mid kale doon doonayaa oo lashekeysanayaa adigana ilmaha iyo buqa ayuuba kaaga tagayaaye ninka somaaaliyeed hada sidaas ayey la soo baxeen adigoo cunto udiyaarinaya ayaa telfoon ka xabiibi iyo hani lagu leeyahey oo intaas ayuuba intrestsiisiina ama uu xiseynaa cuntaduucunaa filim uu fiirsanaa kii balwadlehna dee waaba iska habi marka nimanka wax ha isu reebaan oo ilaahey haka baqaan ayaan dhihi lahaa wabilaahitowfiiq
asc wrwbr DHAMAN WALALAHA SOMALIYED GAAR AHAN WALALAHA WEBKA NOGA FURAY WANADA IYO DOODA
WAXAAN ANIGA QABA RUUX WALIBA ALLAH AYAA QADARAY MID KUWARA NOLASHISA IYO MID KAWARERTA NOLASHISA
ADDUN YADUNA WAA IMITIXAAN WALALAYAL UMU BALQIS ALAH HA USIYADIYA ANAGANA ALAH HA NOOYASIRA INSHA ALAH SOMALI RAG IYO DUMAR BA ISMA DHAANO GAR AHAN WAXA JIRA GABDHO MASAAKIN AH OO LAGU CAYARA SOMALI ILAHAY AYA UXAL MAQAN ASC
salma calaykum walaalumu balqiis adigu malaha mid fiican oo ku fahmay baa kuqabo ale hakuudaayee niman ka soomaaliyeed lagama heelo nin naagtooda la sheekeesto marka hore haa laakiin markii ubad yimaado ruud may noqdaan wajixunyaal dumaka aamusiiyo oo yasa hoosna u dhuganin jaceelna aqoon qidaamad ilmaha ukori naysaa noqotaa daanta wax kula qaban male iga daa qurunkood saaxiib ma galaane adna ha isku siidayn nin somali na waxaad moodaa in hooyo wada dhashay ma tashadayaaasha waxa aaga na dhigay waa ayaga
asc dhamaan waan idn wadasalaamay gabcdalsaalaamada aniga sheegdaan waaga soo hor jeedaa umu balqiisay rag soomali waanunnaqaana eeha nooga dhigi noocgale weeynu arg naye cirgeeynu geeynay waynu umarxabeeynay waawalaaxaag waada jaajuur aduunga indatninjirto cidbaaba idinga horesaismalihi hadan rag soomali sibey u milixlayihiin,laakiin saaxiiba margaadgadhigado daacdanimo majirto haduudaacada ahaanlahaane midwaalan unbaabadalaay oornaayo war naagi lalma dashto, marga calaakuli xaal ragu waajirjiroole sheegada haljshidodee basbasa iyo liirhalagudaro nabadeeeeeeeeey
asc horta aniga umu balqiis maanqoran managaranaayo ,meehsaad balqiista kakeenteen tanlabaad nimanka xumaan iyo wanaagba waaleeyihiin idinkuna sodookale ayaad tihiin hada adumar tihiin laakiin waxaa lagu najaxaa oon aniga cadeeyay wa sxb tinimada ama kalsoonida guurka qaladna haufahmina unuu ninku labo amasadax guursado haduu xilkiisa kasoobixikaro waa suurad quraan ah ooale soodajayiy cid diidi kartana majirto amarka eebe laakiin kii inta guursada hadana tiihore kaxiisa eetan cusub agfariista naar baasugeysee hdaad sidii laguugu amray ugu qeybinkarin sheekada waxdheef ka sariirta jaceylka iyo waxkasoo too sooraaca naar hasha qeysaninine ninoow joog abaay naageey adigana jacelka aad ninka uqabto waxaa kaweyn kan ale ee aale aqoonso imaankana isgali waxba kaama halaabaayaane adaa illaaheey qabaqdo oosi dhab ah u caabudo ninka iyo aduunayada oodhan lugahaaga hoostoodo ayuu illaah keenaa taas waabalan aanka aqaaday tijiaabi wabilaahi towfiiq
SWW
Hadaan ka hadlo runtii waa sax saaxibaaga aad ugu jeceshahay waa ninkaada waana wax sax ah qof kasta waa sida eey isku bartaan ama eey isku ixtiraamaan iyo sida eey isku wargeliyaan marka hadaan ka hadlo ninkaada waa ninkaada waana saxiibkaada waa hadii aad marka aad is shukaansaneeysenn aad sifican uwada sheekeeysateen oo ad isku sheegteen runta oo aad wada soceteen waqti oo aad isku baran kartaan marka huba in ninkaada aad ugu jeceshay adunka hadan uu noqonkaro qofka aad ugu jeceshay oo saaxiibkaaga ah marka somalida waxeey u badan tahay in eey isku sheegin runta marka hor ninka hadadan jecleeyn ha guursan oo ha u raaci lacag ama in aad ka daneeysato marka waxey ku xirantahy sida ad niyadaada aad u gelisay marka hore oo aad is baraneesaan in aad guur xalaal ah aad kala heshan ama in aad ku gasho dhaqale marka guurka awalba maheeyn jaceeyl wuxuu aha dan i aad ku guursatay ninkaa marka walaalayaa ninkaada waa ninka aad marka aad la saxaneeysid maradada kaa dhacsantahay oo kugu hagoogayo oo aad wax kasta isku qarsaneeysan marka aan ninkaada daacad u tahay oo aad tusto jeceeylkaada asagan wuu ku jeclaanayaa oo hadii aaad ixtiramto wuu ku ixtiramaayaa lakiin markii leeysku dhaxyaaco oon wax leeyska maqlin ama aad u tusin in uu ninkaada yahay wax suutagal ah ma jiraan laakin qabka asaga dabal maahin oo marka aad ixtiraamto asagan wuu ku ixtiraama oo marka aad wax kastaba u shegto asaganah wuu kuu shega marka saxiikaada ugu weeyn waa NINKAADA ayaan aniga leeyahay wabillahi toowfiiq