Macalinkii Hore Ee Liverpool Refeal Benitez Oo U Wareegay dhanka kooxda Inter Milan.
aarannews(London)Gudoomiyaha kooxda internazionale ee Inter Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga Massimo Maroti ayaa mantay isaga oo la hadlaya Warbaahinta Caalamiga ah waxaa uu qaxiijiyay in tabarhii kooxda Liverpool ee ka dhisan dalka Ingiriiska Rafeal Benitez uu noqonayo taba baraha kooxda Inter Milan
Mr Massimo Maroti ayaa sidoo kale sheegay in taba bare Rafeal Benitez uu nadiga Inter Milan u saxiixi doono heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo ah qiyaar in uu kaga tago naadiga iyo in uu heshiis kale u cusubooneysiiyo naadiga Inter Milan
Rafeal Benitez ayaa kaga tagay kooxda Liverpool heshiis in af garad ah kadib mudo lix Sano ah uu ahaa layliyaha kooxda Liverpool isaga oo sheegay in uu u bahan in baneeyo xilka Macalinimo madaama xili ciyaareedkii tagay uu noqday waqtigii ugu xumaa ee soomara Naadiga Liverpool
Massimo Maroti ayaa shaaca qaday in Mr. Rafeal Benitez uu yahay taba baraha ay soo xusheen isla markaan uu aminsanyahay in uu ka bixi booska uu baneeyay taba baraha rug cadayga ah ee Jose Mourinho ee u suurto galiyay kooxda Inter Milan in ay ku guleysto koobka champions league ee laga ciyaaro Qaarada Yurub iyo horyaalka dalka Talyaaniga
Mr Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu u hayaamay dhanka kooxda real Madrid ee ka dhisan dalka Spain
