|

Liverpool Oo Toosh ku Raadineysa Marcello lippi.

aarannews(London)Milkiilayaasha kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn ugu daba jiraan sidii ay gacan ugu soo dhigi lahaayeen  Macalinka xulka Qaranka Talyaaniga Marcello Lippi si uu u noqdo macalinka  kooxda Liverpool

Macalinka  xulka  Qaranka Talyaaniga Marcello Lippi ayaa sheegay in  uu baneey doono booska Macalinimo ee uu hayo Qaran dalka Talyaaniga kadib markii ay dhamaadaan  Tartanka Ciyaaraha koobka  Aduunka ee lagu balansanyahay in uu ka dhaco dalka South Africa

Marcello Lippi ayaa Sanadkii 2006 u suurto galiyay Xulka Qaranka dalka Talyaaniga in ay qaadan koobka Aduunka

Liverpool ayaa si weyn  u daneyneysa Macalin Marcello Lippi in uu noqdo Macalinka nadigaas si uu u buuxiyo booska uu baneeyay Macalin Refeal Benitez

Mr. Marcello Lippi ayaa sheegay in hadii uu dhamaado Tartanka  koobka Aduunka uu shaqo Macalinimo ka qaban doono Horyaalka Premiership ee laga ciyaaro dalka Ingiriiska

Premiership-ka ayaa ah horyaalka loogu xiiso badan ee  laga ciyaaro dalalka Qaarada Yurub waxaana la sheegayaa in uu yahay horyaalka ugu ciyaartooda badan ciyaartooda safaneysa Tartanka ciyaaraha aduunka ee ka bilaaban doona dalka South Africa  kadib tiro lagu sameeyay ciyaartooda ugu cad cad  ciyaaraha Aduunka ee ka socda xulalka looga shaki qabo in ay qadi karaan koobka aduunka ayaa lagu sheegay tiro koobkaas in ay badankood ka ciyaaraaan horyaalka dalka Ingiriiska ee English Premier League.

www.aarannews.com

Leave a Reply